Sabti, December 20, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo lagu wado inay noqoto caasimadda maamulkan.
Wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka ka tirsan, iyagoo diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah oo kasoo qaaday Baydhabo, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baraawe.
Ku-simaha guddoomiyaha degmada Baraawe, Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in wafdiga maamulka Koonfur-galbeed ee uu hoggaaminayo Shariif Xasan si diiran loo soo dhoweeyay degmada, si weyna loosoo dhaweeyay.
“Si weyn ayaa wafdiga loogu soo dhaweeyay degmada Baraawe, waxaana ka mid ahaa xubnaha soo dhaweeyay ururrada bulshada rayidka ah iyo guud ahaan shacabka ku nool degmada,” ayuu yiri Bashiir.
Booqashadan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo madaxweynaha maamulka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay ku tagaan Baraawe, taasoo aan la shaacin, iyadoo la sheegay inuu u kuur-galayo amniga degmadaas oo Al-shabaab laga qabsaaday horraantii bishii Oktoobar.
Shariif Xasan ayaa xilka loo doortay 17-kii bishii November ee sannadkan, waxaana gobolka Shabeellada Hoose uu ka mid yahay gobollada uu ka talin doono maamulkiisa KMG ah.
Ugu dambeyn, booqashadan mas'uuliyiinta maamulka KMG Koonfur-galbeed ay ku tageen maanta magaalada Baraawe ayaa imaanaysa iyadoo xubno ka mid ah golaha wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed uu Baydhabo kaga dhawaaqay maalin ka hor Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya