Talaado, December 31, 2013 (HOL) — Kulan uu soo qabanqaabiyay Ururka Horumarinta Jubaland (JUBALAND DEVEOLOPMENT INSTITUTE) oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (JDI) ayaa lagu qabtay hotel Ramada ee magaalada Minneapolis, kulanka oo ay kasoo qayb-galeen qeybaha bulshada ayaa ahaa mid ay aad u xiiseynayeen maadaama uu ururkan yahay mid aan siyaasadda wax shaqo ah ku laheyn.
Kulankan oo diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa gobollada ay ka kooban tahay dowlad-goboleedka Jubaland ee xagga caafimaadka, beeraha, beeraha iyo kalluumeysiga, bulshadana loogu abuuri lahaa meherado kala duwan oo ay nolol maalmeedkooda ku maareeyaan.
Intii uu kulanku socday ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay aqoon-yahanno iyo waxgarad, iyagoo taageeray ururka isla markaana goobta ka ballan-qaaday inay gacan weyn ka geysan doonaan horumarintiisa; ayna ku dadaalayaan inay wacyi-galin doonaan bulshada ku dhaqan gobolladaas. Sidoo kale, waxay tilmaameen in ummadda Somaaliyeed tahay danwadaag ayna ku tashadaan xooggooda iyo muruqooda.
Guddoomiya ururka, C/kariin Ow-Cali ayaa ka hadlay kulankaas soona ban-dhigay ujeeddooyinka ururka horumarinta Jubaland, wuxuuna sheegay inuu ururku ka madax-bannaan yahay siyaasadda uuna ku jiheysan yahay sidii uu arrimaha bani’aadamka u horumarinta lahaa.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Waxaa kaloo uu xusay in qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka Kenya aan si khasab iyo jajuub ah loo geyn meeshii ay doonaan UNHCR iyo Kenya, lana geeyo meeshii ay doonayaan.
Amina Carte oo ah madaxa JDI, qaybta Minnesota ayaa ku boorrisay qurbo joogta inay wax ka qabtaan horumarka gabi dhulka Soomaaliyeed kana gud-baan is-qabqabsiga aan macnaha ku dhisnayn una gudbaan horumarin, xitaa waxay awoodaan inay labo ama qoys shaqooyin u abuuraan, iyadoo dadkii ku sugnaa goobta uu kulanku ka dhacayay ku guubaabisay inay dadaal u galaan wax u qabashada shacabka ku nool Jubbooyinka, markaas kaddibna ay u gudbaan wax ka qabashada deegaannada kale ee Koonfurta Somalia.
Cabdi Faarax oo xubin ka ah ururka JDI ayaa isaguna madasha ka jeediyay khudbad aad loogu riyaaqay; isagoo ku nuuxnuuxsaday caqabadaha ka hor imaan kara qoxootiga la doonayo in lagu celiyo gudaha Somalia oo qarkood 23-sano ay ku noolaa xeryaha qoxootiga, isagoo soo jeediyay in marka hore loo diyaariyo meelo ay dagaan, waxbarasho iyo xirfado ay noloshooda ku maareeyaan, waxaana sheegay in mas’uuliyadaas ay tahay mid dowladda Soomaaliya iyo hay'adda UNHCR u taalla.
Isku soo wada duuboo; shirka ayaa waxaa lagu soo gunaanaday jawi diirran oo la isku af-gartay in loo istaago ummadda soomaaliyeed oo mudada dheer colaaduhu ragaadiyeen, lana sii wado wacyi-galintooda, laguna baraarujiyo inay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba aaminaan.
Siyaad Siciid Saalax, Minesota
[email protected]
FG: Sawirada M. Hussein ISMA