Talaado, December 31, 2013 (HOL) — Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegay inay si rasmi ah ugu aqoonsadeen ururka Ikhwaanul Muslimiinta dalka Masar urur argagaxiso, iyadoo ururku uu qoraal arrintan ku saabsan u dirayay dalka ee xubnaha ka ah.
Inkastoo dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta aysan go’aankooda ku dhawaaqin weli ayaa haddana waxay tani imaanaysaa iyadoo dowladda Masar ay horay ugu dhawaaqday inay ururkaas u aqoonsatay urur argagaxiso.
Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo macnihiisu yahay (Walaalaha Muslimiinta) ayaa waxay ahaayeen taageerayaashii ugu ballaarnaa ee doortay madaxweynihii hore ee dalkaas, Maxamed Mursi oo ay xukunka ka tuureen sannadkan ciidamada milateriga Masar.
Ciidamada amaanka Masar ayaa shalay xoog ku galay jaamacado ku yaalla dalka Masar oo ay ku jirto jaamacadda Al-Azhar iyagoo xirxiray 39-ruux oo ardaydii jaamacadahaas wax ka baranayay ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay xubno ka yihiin urruka la mamnuucay.
Ardaydan la qabqabatay ayaa waxaa ku jira 18 gabdhood, waxaana qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa magaalada Qaahira ay soo sawireen askar si xun u garaacaysa ardaydan wiilasha iyo gabadhaha isugu jira.
Dhanka kale, waddanka Masar waxaa ka socda mucaarahaaadyo lagu diidan yahay in ururka Ikwaanul Muslimiin loo aqoonsado urur argagaxiso iyo xabsiga lagu sii hayo madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi.
Mudaaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah ciidamada Masar, iyagoo dalbanayay in xabsiga laga sii daayay madaxweynihii sida sharciga ah lagu soo doortay laguna soo celiyo xukunka.
Ugu dambeyn, ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa ku dhawaaqay in bartanka bisha Jannaayo ee soo socda ay ku qaban doonaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Masar dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan xukunka milateriga iyo go’aannada kasoo baxay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya