Murashaxiinta Puntland oo soo dhaweeyay Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilllada Puntland ee Magacyadooda lagu dhawaaqay

Talaado, December 31, 2013 (HOL) — Kaddib markii galankii danbe ee shalay si ramsi ah loogu dhawaaqay xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa waxaa magacaabidda markii ugu horreysay ka hadlay xubno ka mid ah musharraxiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee Puntland.

Musharraxiinta ayaa magaalada Garoowe kula hadlay saxaafadda waxayna sheegeen inay soo dhaweynayaan una hambalyeynayaan baarlamaanka cusub ee Puntland ay yeelatay, waxayna ugu baaqeen inay hawsha loo doortay sidii loogu idmaday u gutaan.

Musharrax Maxamed Cabdi Nuur oo ka mid ah musharrixintii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka qayb-galayaan dorashada ayna soo dhaewyn doonaan baarlamaanka cusub, wuxuuna intaa ku daray inuu hambalyo u dirayo uuna ku boorrinayo xildhibaannada inay lasoo baxaan shaqo wada qancisa bulshada reer Puntland.

Sidoo kale musharrax Maxamed Cabdi Nuur,waxaa uu hadalkiisa ku soo qaaday eedeyn uu dosha u saaray xukuumada xilligaan talada haysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne C/rixmaan Faroole,isagoona sheegay   inay xadgudub weyn ku samaysay xubnihii ay soo dirsadeen beelaha Puntland, wuxuu intaas ku daray inay badeshay xubihii xildhibaanada ahaa ee sida rasmiga ah ay beeluhu soo dirsadeen.

Dhinaca kale, guddiga xulidda baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka ayaa iyagu xilligan ku mashquulsan qaybinta kaararka aqoonsiga xildhibaanada.

Waxaa lugu wadaa sida la sheegay in maalinta bari ay fadhi yeeshaan, lana dhaarinayo xildhibaannada cusub ee Puntland, kuwaasoo soo dooran doona guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenkiisa.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya

More News