Talaado, December 31, 2013 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa danjire cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kaasoo ku xigeen u noqon doona danjire Nicholas Kay oo ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya,waxaana danjirahan cusub lagu magacaabaa Philippe Lazzarini.
Danjirahan oo u dhashay dalka Switzerland ayaa horey shaqooyin kala duwan uga soo qabtay hay’ado ay kamid yihiin UNDP iyo OCHA, isagoo ka soo shaqeeyay wadamada kala ah Ciraaq,Angola,Falastiin iyo waliba dalka hadda loo soo magacaabay ee Soomaaliya.
Magacaabidda Lazzarini ayaa lagu sheegay in ay qayb-ka tahay dar-dar-galinta xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo fududeynta howl-galka nabad ilaalinta oo muddo sanada ah soo socday ,iyadoo si gaar ah loo xusay in la dagaallanka argagaxisada ay kaalmaha hore ku jirto.
“Ujeedka qorshaha waa in la hormariyo oo kor laa qaado taageerada dowladda iyo hirgallinta dib u heshiisiinta dhinacyada looga baahan yahay ’ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay xafiiska Baankimoon oo ku aadan magacaabista masuulkan cusub.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dowladda hadda jirta ka taageerayay la dagaallanka kooxaha argagaxisada ah oo ay ku jiraan Al-shabaab,waxaana wakaallada wararka ee dalka Shiinaha ay daabacday in Soomaaliya ay ka sii gudbayso colaadahii kalifay dagaallada sokeeye.
Danjire Lazzarini ayaa la shaqayn doona Nicholas Kay ,isla markaana ka qayb-qaadan doona dib u heshiisiinta Soomaaliya oo hadda meel wacan maraysa,waana masuulkii ugu horeeyay oo xafiiskan ku xigeen- ka noqda tan iyo intii la asaasay.
Ugu danbayntii Baanki-moon ayaa u rajeynaya masuulkan cusub in uu horey u wado howlaha loo baahanyahay ,waxaana arintan ay ku soo beegmaysaa ,iyadoo dhawaan Soomaaliya uu ka dhacay isbadal siyaasadeed oo aad ballaaran ,waxaana dalka uu yeeshay ra’isul wasaare cusub halka ra’isul –wasaarihii hore uu shaqada ka tagay ka dib markii xildhibaanada baralmaanka ay kalasoonida kala laabteen.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]