Guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo Maanta ka badbaaday isku-day lagu khaarijin lahaa

Talaado, December 31, 2013 (HOL) — Qarax ka dhacay maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhaawacmay ku-xigeenka duqa Gaalkacyo, Cabdi Cismaan Faarax(Ciiro), kaddib markii hoyga uu ka deggen yahay Gaalkacyo bam-gacmeed lagu tuuray.

Dhaawaca ku-xigeenka duqa Gaalkacyo ayaa waxaa lugu sheegay inuu yahay mid fudud, waxaana qarax lagu soo tuuray xilli uu ku sugnaa bannaanka aqalka uu ka deggen yahay magaalada oo ku yaala xaafadda Ex-Garsoor ee aagga kontaroolka Koonfureed ee Gaalkacyo.

Isbitaalka guud ee gobolka Mudug ayaa la geeyay dhaawaca ku xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo oo si loola tacaalo firir la sheegay inuu kasoo gaaray qaraxa.

Maamulaha isbitaalka, Axmed Diiriye Sugulle oo la hadlay HOL ayaa sheegay in xaaladda guddoomiye ku-xigeenka degmada ay tahay mid wanagsan isla markaana bambadii lugu tuuray ay garsiisay firir dhowr meelod ka galay, isagoo intaa ku daray inay xilligan la tacaalayaan sidii uu uga bogsan lahaa dhawaacaas.

"Aad ayuu hadda u wanagsan yahay guddoomiye ku-xigeenku, waxaana soo gaaray firir dhowr meelood ka galay, waxaana la tacaalaynaa sidii uu uga bogsan lahaa dhaawacaas," ayuu yiri maamulaha isbitaalka gobolka Mudug oo HOL la hadlay.

Dhinaca duq ku-xgeenka degmada Gaalkacyo Cabdi Cismaan Faarax (Ciiro) oo saxaafaddu ay isbitaalka ku booqatay ayaa sheegay in xaaladdiisa ay wanagsan tahay.

''Meel u dhaw gurigayga ayaan kaligay marayay waxbaa hal mar igu soo dhacay uuro iyo dhawaqna waan maqlay, Alle mahaddii waan fiicanahay waa aniga kula hadlaya,'' ayuu yiri guddoomiyaha.

Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa si weyn u cambaareeyey qaraxaas lala egtay guddoomiye ku-xigeenka degmada, waxaana Axmed Cali Salaad oo ah guddoomiyaha degmada uu sheegay inay baarayaan ciddii qaraxaan la beegsatay mas'uulka. Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan bambaano ee lugu qaatay guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo,Somalia

More News