7/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 9 , 2012
Madaxweynaha Somaliland oo xilkii ka qaaday Taliyihii Milatariga iyo Abaanduulihii Ciidanka Somaliland

Khamiis, Feberaayo 09,2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa galabta xilkii taliyaha Milatariga ka qaaday Gen: Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) iyo Abaanduulihii Ciidanka Milatariga Md:Ibraahin Caydiid Axmed , isla markaana u magacaabay taliye cusub Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) iyo Abaandule cusub  Cabdilaahi X. Jaamac (Calas).

Sidaas waxa lagu sheegay War-saxaafadeed mar dhoweyd ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Cukuse, waxaanu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka, kuna magacaabay taliye cusub.

Markuu Tixgeliyey: La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso.

Markuu Arkay:  In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday;

Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu taliyihii hore ee Ciidamada qaranka Mudane Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif)  uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka, ka saaran qaranka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu taliyihii hore u sheegay in Xilalka Qaranka ay tahay macnihiisu meerto soo noq-noqata oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay” ayaa lagu yidhi qoraalkaasi ka soo baxay madaxtooyadda.

Sidoo kale waxa isagana xilkii uu ciidanka Milatariga ka hayey laga qaaday Abaanduulihii ciidanka, isla markaana mid cusub loo magacaabay.

“ Madaxweynuhu waxa uu Abaanduulahaa hore ee Ciidamada Qaranka Mudane, Ibraahin Caydiid Axmed uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka qaranka.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Abaanduulaha Ciidanka Qaranka JSL. Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) oo aan xilkan isaga u igmaday in uu ahaado Abaaduulaha Cusub ee Ciidanka Qaranka” ayaa lagu yidhi qoraalkaasi ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu Faray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga in uu masuuliyiintaasi u kala wareejiyo xilalka  Ciidanka Milatariga Somaliland.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland