Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ciidamada AMISOM ayaa waxay si isku mid ah u cambaareeyeen qaraxii lagu dilay dadka badan ee shalay ka dhacay Muqdisho, iyagoo xusay inuu ahaa mid aad looga naxo.
Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayuu madaxweynuhu ku sheegay in qaraxii dhacay uu ahaa mid fuleynimo ah, ayna ka xun yihiin dadkii ku dhintay, sidoo kalena aysan u dulqaadan doonin falalka noocaas oo kale ah.
"Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ma ogolaanayaan in qaraxii foosha xumaa oo kale uu mar kale ka dhaco gudaheenna, si loo carqaladeeyo ammaanka dalka," ayuu Sheekh Shariif ku yiri shirka jaraa'id. "Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay qayb ka qaataan sidii kuwii dambigaas geystay sharciga loo horkeeni lahaa."
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Islaamku uusan ogoleyn in dadka la dhibaateeyo balse diinta Islaamka ay tahay diin naxariiseed waana mid ka mid ka fog buu yiri sida ay Al-shabaab u isticmaalayso.
Sidoo kale, warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in qaraxa uu ahaa mid argagaxiso oo lagu waxyeelleeyay dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyagoo sheegay in falalkan ay qayb ka yihiin qaababka cusub ee Al-shabaab ay u rogtay dagaalkii tooska ahaa.
Ugu dambeyn, warsaxaafadeedyada kasoo kala baxay AMISOM iyo Sheekh Shariif ayaa tacsi loogu diray qoysaskii 13-qof oo qaraxii shalay ku dhintay, iyagoo u rajeeyay caafimaad deg-deg ah 14-kii qof ee ku dhaawacmay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya