Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Wasiirka caafiamadka DKMG ah ee Soomaaliya, C/casiis Sheekh Yuusuf oo ka hadlayay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inuu ahaa qarax lagu dilay dadka badan oo shacab ah.
Weerarkan oo ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa lala beegsaday baar shaaha laga cabo oo ku dheggen Hotel Muna, kaasoo lagu magacaabo Fatxi, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan DKMG ay shaah ka cabayeen baarka la beegsaday.
"Qaraxa waxaa ku dhintay 13-qof oo saddex ka mid ah ay ku dhinteen isbitaallada, waxaana ku dhaawacmay 14-qof oo qaarkooda ay xalaaddoodu halis tahay," ayuu yiri Dr C/casiis Sheekh Yuusuf isagoo sheegay in 10-qof oo ka mid ah dadka dhintay ay ku dhinteen goobta uu qaraxu ka dhacay.
Wasiirka caafimaadka, wuxuu sheegay in qaraxan uu caddeyn u yahay in Al-shabaab aysan beegsanayn xubnaha dowladda keliya balse ay beegsanayso cid walba, wuxuuna ku baaqay in dowladda lagala shaqeeyo sidii qaraxyada noocan oo kale ah looga hortegi lahaa.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka DKMG ah, C/samad Macallin Maxamuud oo isaguna qaraxa ka hadlay ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid lagu dilay dad shacab ah, isagoo sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabbo ay ku adkeynayso ammaanka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaguna ka hadlay qaraxa ayaa sheegay inuu yahay mid lagu dilay dad aan waxba galabsan oo shacab ah, wuxuuna ku tilmaamay xasuus ay geysatay Al-shabaab.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa isaguna sheegay in weerarka uu u dhacay sidii ay ugu talogaleen ayna ku dileen xubno isugu jira xidhibaanno iyo ciidamada sirdoonka dowladda KMG ah, wuxuuna qaraxan ku tilmaamay mid goobta lagu diyaariyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya