Madaxa Ergayga Yurub ee Geeska Afrika oo ku hanjabay in haddii aan laga Shaqeyn Nabadda aysan dhaqaale bixinayn

Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Ergayga Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Alexander Rondos oo shalay booqasho ku tagay Muqdisho ayaa u sheegay Reuters in madaxda Soomaalida looga baahan yahay inay horay u wadaan geeddi-socodka nabadda hadii ay dhici waydana la joojin doono dhaqaalaha la siiyo.

Mr. Rondos ayaa sheegay in marka laga soo tago guulaha ay dowladda KMG ah iyo AMISOM ka gaareen dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab, haddana beesha calaamku ay dareemayso dabacsanaan ka jirta dib u habaynta hayadaha DKMG ah oo uu muran iyo musuqmaasuq hareeyay.

"Inta iska fariisano lacagta ma bixinayno, haddii ay dadka qaarkood geedi-socodka nabadda ay carqaladeeyaan waxaan ku darsanaynaa xisaabta, waana arrin haboon haddii aan niraaho go’aan ayaan qaadanaynaa," ayuu yiri Rondos.

"Waa inuu dhammaado dhaqantii isla xisaabtan la'aanta," ayuu ergaygu hadalkiisa ku daray, kaddib booqshadii uu Muqdisho ku tagay shalay oo ahady tii ugu horreysay tan iyo markii xilkan loo magacaabay kowdii Jannaayo.

Ururka Midowga Yurub ayaa ah deeq-bixiyaha ugu weyn Soomaaliya iyagoo lacag gaarysa hal bilyan oo doollar ku bixiyay inta u dhexeysa 2008 illaa 2013 sidii loogu fulin lahaa arrimo la xiriira: maamul-wanaagga, waxbarashada, tababarka booliiska, mushaarka ciidamada AMISOM iyo ka hortagga falalka burcadbadeednimo.

Ergayga oo u dhashay dalka Giriigga ayaa sheegay in Midowga ay doonayso inay ku qanacdo howlaha lagu qabto lacagaha ay bixinayso, isagoo xusay in hadii aan wax laga qaban sugida nabadgelyada inta sanadka lagu jiro ay joojinayaan lacagtaas.

Ugu dambeyn, Rondos wuxuu sheegay in madaxda Soomaalida uu u sheegay inaysan siyaasad ahaan oranayn waan joojinay wixii aan bixin jirnay, balse ay adeegsan doonaan sharciyo kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya