Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qeyb-galay munaasabad qalin-jebin ahayd oo lagu soo gaba-gabeynayay barnaamij lix bilood socday oo ururka SYL II uu tababarro xirfadeed, dhaqan-celin iyo wacyi gelin ku siiyay 500-arday ah.
Xaflada qalin-jebinta oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa halkaas waxaa kaga qeyb galay Madaxweynaha, Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Madaxda Ururka Dhalinyarada SYL II, qeybaha bulshada iyo waalidiinta Arday ka faa'ideysatay tababarka xirfadeed.
Xirfadaha shaqo ee 500-arday ka faa'ideysteen ayaa isugu jiray xirfado shaqo abuur kala duwan, sida Saxaafada, Caafimaadka, Xogheynimada, farsamada gacanta, Computer-ka, casho bar bar socday wacyi gelin iyo aqoon guud.
Madaxweyne Shariif oo hadal ka jeediyay munaasabada qalin jebinta ayaa sheegay waxqabadka ugu horeeya ee Dowladda saari doonto ay noqon doonto dhanka waxbarashada, isagoo ku ammaanay Ururka SYL II dadaalka uu geliyay dhalinyarada sidii xirfado shaqo u sameysan lahaayeen.
"Wixii na dhaafay yeynaan u shallaayin dhalinyarooy kan soo socdana iskaba daa ee aan kan aan joogno wax qabano, Xafladan waa ka duwan tahay xafladihii aan tagi jiray, Xaflad na xusuusineysa magacii halgamayaashii SYL, waana ugu hambaleynayaa shaqada fiican uu qabtay ururkan"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo sheegay in dhalinyarada muhiim tahay in la siiyo tababar xirfadeed si ugu yaraan noloshooda ugu shaqeeyaan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in dadka waxbaranaya aanay fududeyn, isagoo tibaaxay in guri la dhiso ay fududahay, balse 500-arday waxbarashadiida aanay aheyn wax fudud, isagoo ku ammaanay Ururka Hormarinta Dhalinyarada SYL II howsha wanaagsan ee ay u qabteen dhalinyarada.
Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa sheegay in muhiimada waxbarashada u leedahay bulshada ay tahay mid aanay sahlaneyn, isagoo xusay in dhaliyarada qaar ay jiraan kuwo aanay iska bixi karin qarashaadka waxbarashada.
Shiikh Cadul-xayi oo isagu ka mid ah culumaa’udiinka soomaaliyeed ayaa wuxuu dhaliyaradii halkaas ku qalin jabineysay ku baraarujiyay in aqoontan ay halkaan ka heleen loo baahan yahay in ay ugu adeegaan qaab ay muwaadinnimo ka muuqato wuxuuna isaga oo ku dheeraanaya ku ammaanay ururka SYL II sida muwaadinnimada leh ee ay marxaladan maanta waddanku marayo ku dhiiradeen in ay ardaydan ruuxdooda muwaadinnimo dhisaan waxaana uu sheegay mar uu ka hadlayey muqaddasnimada waddaniyadda yiri "Rasuulkeena NNKH ayaa waxa uu Allah ka baryey in uu Madiina u jecleysiiyo sidii uu u jeclaa Makkah oo uu ku dhashay taas ayaana daliil u ah wadaniyadu in ay muqaddas ku tahay diinta Islaamka.
Intii ay socotay xaflada ayey ardayda soo bandhigeen waxyaabihii ay barteen mudadii lixda bilood ahayd oo ay ka mid ahaayeen fanka iyo dhaqanka soomaalida, taasoo ka qeyb galayaashii Xafladan ay aad ugu farxeen.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mid mid u gudoonsiiyay Ardayda qalin jebisay shahaadooyin cadeyneysa waxbarashadooda, waxaana ardayda ay isugu jireen Wiilal iyo gabdho, ku faraxsanaa tababarka xirfadeed ee la siiyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya