
Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Guddiga joogtada ah ee ururka jaamacadda carabta ayaa lagu wadaa inay qabtaan shir deg-deg ah 19-ka bishan Feberaayo kaasoo looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya.
Warkan oo ay baahisay wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA ayaa lagu sheegay in shirka looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin shirka Soomaalida ee London lagu qabanayo, kaasoo dhacaya bishan 23-keeda, iyadoo dalalka carabta ay doonayaan inay fikir ku yeeshaan shirkaas.
Shirka London loogu qabanayo Soomaalida ayaa waxaa la sheegay in looga hadlayo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay dowladnimadii soo laabato, iyadoo dalalka ka qaybgalaya tiradooda lagu sheegay 40-dal iyo ururro caalami ah.
Shirka ay yeelanayaan xubnaha ururka jaamacadda carabta ayaa la sheegay inay uga doodayaan sidii ay hoggaanka shirka London qayb uga noqon lahaayeen, si ay wax ugu yeeshaan nabad kusoo celinta dalka ay dagaalladu burburiyeen ee geeska Afrika ku yaalla.
Qodobbada kale ee shirka jaamacadda carabta looga hadlayo ayaa waxaa ka mid noqon doona sidii lagu caawin lahaa Soomaaliya kaddib 21-sano oo dagaalo ay ka socdeen, gaar ahaan sidii ammaanka iyo kala dambeynta lagu soo celin lahaa iyo sidii horay loogu wadi lahaa horumarrada dhinaca siyaasadda ah.
Lama sheegin shirkan ay ka qaybgalayso Soomaaliya iyo in kale, iyadoo shirkan uu kusoo beegmayo xilli dalka Ingiriisku uu sheegay inuu doonayo in indha caalamka uu kusoo duwo Soomaaliya si ay wax uga qabtaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya