Khamiis, Feberaayo 09, 2012 (HOL) − Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay inay Muqdisho ka fulinayaan mshaariic ay ku kacayso lacag gaaraysa 4.5-milyan doolar, kuwaasoo isugu jira dhismaha iskuullo, saldhigyo booliis, isbitaallo, wasaarado iyo xarunta baarlamaanka Soomaaliya.
Ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Wafula Wamunyinyi ayaa sheegay in hal milyan oo dollar oo ka imaanaysa beesha caalamka ay ku fulin doonaan dhismaha iskuul ku yaalla degmada Wadajir, martoorro ay dhigayaan isbitaalka banaadir iyo qalabeynta saldhigyadda booliiska Muqdisho.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in mashaariicda ay fulinayaan ay ka mid yihiin sidii ay biyo nadiif ah oo la cabo ku heli lahaayeen 1.3 milyan oo qof oo ku nool degmooyinka gobolka Banaair, sidoo kalena ay dhisayaan xarunta golaha shacabka iyo dhismaha xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha DKMG ah.
Mr. Wamunyinyi wuxuu sheegay in lacagta hartay oo ah 3.5 milyan doollar ay horay AMISOM ugu fulisay dib u habeynta saldhigga ciidamada DKMG ee Jasiira, isagoo aan sheegin xilliga la fuliyay mashruucaas.
"Mashaariicdan ay AMISOM fulinayso waa dadaal aan ku doonayno inaan dib ugu soo celino ammaankii dalka Soomaaliya, si ay dadku u helaan xasilooni iyo nabad," ayuu yiri ku xigeenka ergayga Midowga Afirka ee Soomaaliya.
Shirka jaraa'id ee uu saakay qabtay Wamunyinyi ayuu wuxuu tacsi ugu diray dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, isagoo xusay inuu ahaa qarax argagaxiso oo loagu dilay dad fara badan oo Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Wamunyinyi wuxuu sheegtay in AMISOM ay ciidamada ammaanka Soomaaliyeed kala shaqeynayso sugidda ammaanka iyo sidii looga Muqdisho looga saari lahaa wuxuu ugu yeeray argagaxisada. Isagoo xusay in 70% ay xilligan Muqdisho tahay goob ammaan ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya