Golaha Guurtidda Somaliland oo ansixiyey Xeerarka Nabad-galyada, Budhcadbadeedda iyo Iswaydaarinta Maxaabiista

Khamiis, Maarso 15, 2012 (HOL) — golaha Guurtidda, ayaa maanta ansixiyey saddex xeer oo kala ah, xeerka Nabadgalyadda Guud, Xeerka la dagaalanka Budhcad badeedda iyo Xeerka iswaydaarinta Maxaabiista.

Fadhigan maanta waxa shirgudoominayey guddoomiye ku xigeenka golaha Guurtidda Sheekh Axmed Sh. Fure, waxaana fadhigaasi ka soo xaadiray 45 mudane oo ka mid ah 82 ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay.

Ka hor intii aan la ansixin saddexdan xeer waxa warbixinno laga dhigaystay guddiyo loo xilsaaray inay soo daraasadeeyaan kana baaraandagaan xeerarkan ka dibna waxa loo qaaday cod in la ansixiyo iyo in kale, waxaanay isku raaceen in dhamaantood la wada ansixiyo, iyadoo xeer xeer loo ansixiyey.

Ugu horeyn Xeerka nabadgalyada guud iyo Anshaxa waxa ogolaaday 42 mudane, laba mudana way diideen, guddoomiyuhuna ma codayn, xeerka kala Wareejinta maxaabiista waxa u codeeyey 39 mudane, waxa diiday laba mudane, 3 mudanana way ka aamuseen, guddoomiyuhuna ma codeyn, Xeerka Budhcad badeedka waxa ogolaaday oo ansixiyey 43 mudane , hal mudane wuu Diiday, guddoomiyuhuna ma codeyn, sidaas bay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen saddexdan xeer oo markii hore ay usoo gudbiyeen golaha Wakiiladdu, ka dibna ay iyaguna u gudbin doonaan madaxweynaha si uu u fuliyo ama dib ugu soo celiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland