Khamiis, Maarso 15, 2012 (HOL) — Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buur-madow) ayaa maanta xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu garoonka diyaaradda magaaladda Hargeysa ka soo degay, isagoo muddo dalka dibadda kaga maqnaa.
Boqor Buurmadow oo ka mid ah boqorada reer Somaliland, oo bilihii u dambeeyey aan dalka iman, isla markaana mucaarad ku ahaa madaxweynaha Somaliland iyo qaar ka mid ah golihiisa Wasiiradda, ayaa dalka dib ugu soo laabtay, balse markii uu soo cago dhigtay diyaaradii uu la socday ayaa ciidamadda amniga ee Somaliland ka soo qabteen madaarka magaaladda Hargeysa, iyadoo lagu xidhay xarunta dambi baadhista ee magaaladda Hargeysa.
Illaa hadda xukuumadda Somaliland kama hadal xadhiga boqor Buurmdow iyo sababta loo xidhaytoona, haseyeeshee, waxay wararku sheegayaan inuu xadhigiisu daaran yahay dhaliilo badan oo uu madaxweynaha iyo wasiirada qaar warbaahinta usoo marin jiray, isagoo marar badan wasiiradda qaar ku tilmaamay kuwa xag jir ah.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland