Xarakada Al-shabaab oo shaacisay magaca ninkii fuliyay Qaraxii ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Khamiis, Maarso 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo sheegatay inay mas'uul ka ahayd qarax xarunta madaxtooyada Soomaaliya ka dhacay Arbacadii shalay ayaa waxay shaaciyeen magaca ruuxa fuliyay qaraxaas oo ismiidaamin ahaa.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo saxaafadda la hadlay ayaa xusay in ruuxa qaraxa fuliyay uu ka mid ahaa xoogaggooda laguna magacaabi jiray, Xasan C/qaadir Cabdi, isagoo sheegay inuu la helay qaraxa bartilmaameedkii loogu talo-galay.

"Walaalka qaraxa fuliyay waxaan Alle uga baryaynaa naxariis, wuxuuna ahaa ruux eegan waayay dhibaatooyinka ay gaaladu ku hayso shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dagaallada socda ka qaybgalaan.

Dhanka kale, saraakiil ka tisran dowladda KMG ah ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyay ruux ka tirsanaa xarunta madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska madaxweynaha iyadoo ehellada ruuxaasna ay beeniyeen inuu weerarkaas fuliyay.

Al-shabaab ayaa waxay u muuqataa inay weli khatar weyn ku tahay dowladda kaddib markii ay isaga baxday inta badan Muqdisho, iyagoo sheegay inay weerarka ku dileen 17-askari ayna ku dhaawacmeen 30-askari oo kale.

Balse afhayeenka booliisk Soomaaliya, Col. C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in tirada dadkii ku dhintay qaraxii shalay ay gaareen shan qof, ku dhawaad 10-qof oo u badan ciidammo ka tirsan kuwa dowladdana ay ku dhaawacmeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya