Ciidamada maamulka Gobolka Hiiraan si weyn u adkeeyay saacadihii aynu soo dhaafnay amaanka Magaalada Beledweyne

Khamiis, Maarso 15, 2012 (HOL) — Kaddib falal amaanka ka dhan ah oo labadii cisho ee lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka gobollka Hiiraan, ayeey saacadihii aynu soo dhaafnay ciidamada maamulka gobollka waxaa ay ku howlanaayeen sugida amaanka magaalada, gaar ahaan xarumaha ay degan yihiin ciidamada iyo saraakiisha maamulka.

Habeenimadii xalay ayaa wixii ka danbeeyay 7:00 fiidnimo waxaa Bandow la galiyay guud ahaan qeybaha kala duwan ee magaalada, iyadoo dadka looga digay dhaq dhaqaaqa wixii ka danbeeya xiliga loo qabtay.

Is-gooysyada magaalada, jidadka muhiim-ka ah, iyo waliba xarumaha ay dagan yihiin ciidamada maamulka gobollka ayaa lagu arkayay xoogagga ku howlan sugida nabad-galyada iyadoo laga foojigan yahay weeraro dhaca.

Labo habeen ka hor ayeey aheyd markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobollka Hiiraan, taasoo keentay in uu geeriyoodo mid ka mid ah ciidamada, waxaana weerarkaasi loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah.

Inkastoo ciidamada nabad-galyada siweyn ugu howlan yihiin sugida amaanka, saraakiisha maamulkana marar badan ku cel celinayaan in wax badan ka qaban doonaan nabad-galyada, ayaa haddana mar marka qaar waxaa ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne falal ay geystaan kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon, laakiin saraakiisha maamulka ay ku sheegaan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Xaaladan oo dhan ayaa imanaya xili aysan wali magaalada soo gaarin mas’uuliyiinta maamulka cusub ee gobollka Hiiraan, kuwaasoo maalmo ka hor dowladda kaga dhawaaqday magaalada Muqdisho, waxaana ay dadka intiisa badan kuu sheegayaan in maamulka cusub ugu yaraan wax weyn ka badali karo amaanka magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya