"Weerarku wuxuu dhacay Isniintii... waxaan filaynaa in ruuxa fuliyay uu ahaa mid cadow ku ah nabadda," ayuu yiri Omot Odenga Olol oo ah madaxa gobolka uu ka dhacday weerarka oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.
Mr. Omot ayaa sheegay in ninka dilka iyo dhaawaca geystay uu ku hubeysnaa qori fudud, isagoo xusay in ruuxa falkan geystay uu ka qaatay rakaabka lacago iyo dhar ka hor intii uusan rasaasta ku furin. Iyadoo aan weli gacanta lagu soo dhigin ruuxii dambiga galay.
"Ciidammo badan ayaa goobta geynay welina waa raadinaynaa ruuxii dhibaatadan geystay oo weli maqan," ayuu yiri sarkaal u hadlay booliiska gobolka Galbeedka Itoobiya ku yaalla.
Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarka lagu dilay dadka rakaabka ah ee la socday baska.
Gobolka ay rabshadu ka dhacday ayaa waa gobolka ay dagaan Gambeelaha oo 700-km kaga beegan dhinaca galbeed magaalada Addis Ababa, waana gobolka ay kasoo baxaan waxyaabaha ay Itoobiya dhaqaalaha badan ka hesho.
Bishii Jannaayo ee sannadkan, hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeysay Itoobiya inay kumannaan dad ah ka rartay deegaankooda si ay uga dhigto dhul beereed, iyadoo dadkaas la sheegay inay xaalado adag ku nool yihiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya