Farriintan oo Muqdisho uu keenay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Moses Wetang'ula, ayaa wuxuu madaxweynaha Kenya ku dalbaday in madaxda Soomaalidu muujiyaan kaalintooda ku aaddan hindishaha lagu xalliyo muranka siyaasadeed ee u dhexeeya labada Suudaan, murankaas oo la sheegay inuu abuuri karo colaad ka dhex dillaacda labadaas dal.
"Waxaan dalalka IGAD kula talinayaa inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xaqiijinta ammaanka gobolka iyagoo raacaya codsiga madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ee ahaa in Kenya ay faragelin ku sameyso khilaafka u dhexeeya labada Suudaan," ayuu yiri Kibaki.
Dalka cusub ee Koonfurta Suudaan iyo Suudaanta Waqooyi ayaa waxay labaduba ka tirsan yihiin urur goboleedka IGAD, iyadoo muranka uu salka ku hayo sidii lagu wadaagi lahaa shidaalka.
Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale farriin noocan oo kale u diray madaxda dalalka IGAD, kuwaasoo ay ku jiraan madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi.
Fariinta Mwai Kibaki ayaa waxay si toos ah ugu socotay madaxweynaha Soomaaliya waxaana sidoo kale lagu xusay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali.
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qorshaha ay Kenya ku doonayso inay ku xalliso muranka labada Suudaan.
Wafdiga wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Watangula oo shalay Muqdisho tagay ayaa waxaa ka mid ahaa: madaxa fulinta dastuurka baarlamaanka Kenya, C/qaadir Maxamed iyo la taliyaha dhinaca siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya