Kooxo hubeysan oo dil iyo dhaawac u geystay Qoxooti Soomaaliyeed oo ku jira xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya

Khamiis, Maarso 15, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa laba qof oo ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya toogasho ku dilay xalay, iyagoo qof saddexaadna dhaawaacay, sida ay sheegtay afhayeennada hay'adda qoxootiga adduunka ee UNHCR.

Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa ah kuwa ugu weyn dunida, waxayna hoy u yihiin 460,000 oo u badan Soomaali ka cararay colaadaha taagan muddada 20-ka sano ka badan iyo sidoo kale abaaraha iyo macluusha.

"Waxaan xaqiijinaynaa in laba qof ay dhinteen, mid kalena uu dhaawac gaaray, kaddib markii xalay lagu toogtay xerada IFO oo ka tirsan Dhadhaab," ayay tiri afhayeennada u hadashay UNHCR.

Afhayeennadu waxay sheegtay inaan baaritaanno lagu sameyn karin ciddii dilkaas geysatay, maadama dhowr jeer oo hore lagu weeraray xeryahaas ciidamada booliiska.

Bilowgii sannadkan ayaa waxaa la toogasho lagu dilay hoggaamiyeyaashii xeryaha Ifo iyo Xagar-dheer kaddib markii kooxo hubeysan ay ku weerareen guryahooda. Iyadoo aysan jirin ciidammo sugaya ammaanka xeryaha qoxootiga.

Saraakiil u hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarrada ka dhaca xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab ay mas'uul ka tahay Al-shabaabta Soomaaliya, kuwaasoo dhawaan ku biiray shabakadda Al-Qaacida.

Xaaladda ammaan ee xeryaha qoxootiga ayaa ahayd mid aad looga walaacsanaa tan iyo sannadkii hore, markaasoo ay dhaceen qaraxyo iyo weerarro toos ah oo ay wax ku noqdeen qoxootiga, ciidamada booliiska iyo shaqaale gargaar.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, ayaa kooxo hubeysan waxay xeryaha Dhadhaab ka afduubeen laba haween oo u shaqeynayay hay'adda MSF, kuwaasoo loo qaatay Soomaaliya lana rumeysan yahay in weli halkaas lagu haysto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya