Dibadbax lagu taageeryo Ra'iisul wasaaraha oo ka dhacay magaada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud

Arbaco, June 15, 2011 (HOL) – Magaalada Caabud-waaq ee goboka Galgaduud ayaa maanta lagu qabtay dibadbax aad u balaaran kaa oo lagu taageersanaa xukuumadda uu hogaamiyo Max’ed C/llaahi Faramajo, waxaana dadkii manta isku soo baxay la hadllay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ee degmada Caabud-waaq.

Dadka isku soo baxay oo u badnaa haween iyo dhalinyarro ayaa waxaa ay siteen boorar muujinaya taageerada ay u hayaan xukuumada Max’ed C/llaahi Faramajo uu horkacayo iyaga oo dhinaca kalana ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah go’aamadii dhawaan ka soo baxay kulankii magaalada kampalla ee dalka Uganda ku soo gaareen mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Shiikh Shuuriye Max’ed oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Caabud-waaq oo la hadllay dadkii isku soo baxay ayaa u sheegay inay muujiyaan dareenkooda la xiriira shirkii Kampalla oo uu ku tilamaamay wixii lagu soo gaaray in ay u ekaayeen sida uu hadalka u dhigay dhibaato u soo hooyatay umadda Soomaaliyeed.

Dadka dibaxa dhigayay ayaa ka codsaday ganacsatada in soo xiraan goobahooda ganacsiga, waxaana ay socod ku soo mareen sida ay wararku nagu soo gaarayaan dhamaan xaafaddaha y degmada ka kooban tahay.

Maalmihii aynu soo dhaafnayba waxaa ka jiray qeybo badan oo ka mid ah goballada dalka Soomaaliya iyo waliba goballka Galgaduud dibadbaxyo lagu taageerayo xukuumada Soomaaliya, dhinaca kalana lagu diidan yahay hishiiskii Kampala.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Beledweyne, Soomaaliya.