Hay'ad maxalli ah oo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ku qabatay dood-cilmiyeed lagu taageerayo DKMG ah

Arbaco, June 15, 2011 (HOL) – Hay'adda wada-hadalka bulshada ee CCD ayaa markii u horeysay dood-cilmiyeed ku saabsan sidii loo taageeri lahaa dowladda KMG ah waxay shalay ku qabatay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Dood-cilmiyeedkan oo xudduntiisu ahayd sida loo taageeri lahaa dowladda KMG ah ayaa waxaa ka qayb-galay mas'uuliyiinta maamulka DKMG ah ee degmadaas iyo Ahlusunna Wal-jameeca, iyadoo halkaas khudbado ka jeediyeen mas'uuliyiintii ku sugnaa.

Ajandayaasha dooda oo ka koobnaa lix qodob ayaa waxaa uu ahaa mid diirada lagu saarayay xaalada gobolka Gedo, gaar ahaan horumarka ay dolwadda iyo Ahlusnna ka sameeyeen, waxaana ka-qayb-galayaasha dood-cilmiyeedka oo loo qaybiyay lix kooxood ay aragtiyadooda ka dhiibtay qodobadda ajandayaasha doodda.

Gudoomiyaha degmada Beled-xaawo ee dowladda KMG ah Maxamuud Axmed Beexaani oo doodda furay ayaa soo dhaweeyay hay'adda CCD, wuxuuna sheegay in shan degmo oo gobolka ka tirsan ay iyagu gacnta ku hayaan isagoo xusay inay si adag u hayana ammaanka degmooyinkaas, ayna qorsheynayaan inay kuwa kale la wareegaan dhawaan.

"Degmooyinka Luuq, Garbahaarey, Ceel-Waaq iyo Beled-xaawo innaga ayaa gacanta ku hayna ammaankooda, waxaana hay'addan iyo kuwa kale ay fursad u heli karaan inay howlahooda ka fuliyaan" ayuu yiri Maxamud Axmed.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Beled-xaawo ee Ahlusunna Maxamed Daa'uud Cumar oo isna doodda ka hadlay ayaa sheegay in la wareegida degmooyinkan dhib fara badan lag soo maray.

"Sidaad la socotaan degmada Beledxaawo xoreynteeda dhib fara badan ayaa laga soo maray, waxaan ugu baaqaynaa hay'adda CCD inay u soo weeciso howlaheeda Gobolkan" ayuu yiri madaxa Ahlusunna ee degmada Beledxaawo.

Waxaa kaloo ka hadlay dood-waddaagga Buule Aadan Qaloocow oo ka mid ah saraakiisha maamulka degmadaas, wuxuuna soo dhaweeyay dood-cilmiyeedda lagu qabtay degmada isagoo sheegay inay soo dhaweynayan cid walba oo howlo sama-fal iyo horumar ah ka qabanaysa gobolka ay soo dhaweyayaan.

Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada oo iyaguna ka hadlay doodda ayaa soo dhaweeyay in dowladda KMG ah lagu taageero dhinac walba, sidoo kalena ay ku faraxsan yihiin in la bogaadiyo horumarrada ay gaartay.

Aamino Cali Guure oo ku hadlaysay magaca ururrada haweenka ee degmada ahna guddoomiyaha ururka haweenka ee Halgan ayaa ka hadashay muhiimada xilligan ay leedahay nabada iyo is dhex-galka bulshada, waxayna soo dhoweysay halganka dowladda iyo ahlusunna ku xoreynayaan Gobolka Gedo, sidoo kale waxay soo jeedisay buraanburo qiiro leh oo ay uga hadlaysay qiimaha ay leedahay nabadda iyo in bulshadu ay muujiso isku-duubni.

Caasho Sulub iyo Ruqiyo Xasan Jaamac oo xubno ka ah ururka haweenka ee degmada Beledxaawo ayaa iyaguna soo jeediyay in dadka ay cabsida iska saaraan ayna carrabka ku dhajiyaan inay dhamaatay xilligii Al-Shabaab, bulshadana loo baahan yahay in codkooda kor u qaadaan oo ay xor noqdaan.

Dood-cilmiyeedkan ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii ka qayb-galay haween Luuq iyo Doolow ka socday, waxayna sheegeen inay aad uga faraxsan yihiin inay ka qayb-galaan, iyagoo dalbaday in loo qabto tababarro aqoon-kororsi ah si ay uga faa'iideystaan.

Si kastaba ha ahaatee; dood-cilmiyeedkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee CCD ay ku qabato gobolka Gedo gaar ahaan degmada Beledxaawo, waxayna horay ugu hay'addu tababarro noocan oo kale ah magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo Magaalada Muqdisho.