Arbaco, June 15, 2011 (HOL) – Dad ka badan 32-ruux oo isugu jira dad waa wayn iyo caruur ayaa la sheegay in cudurka shuban biyoodka uu ku soo ritay gobollo kala duwan oo ka tirsan deegaanada Puntland, kuwaasi oo hadda siyaabo kala duwan xaaladahooda caafimaad loola tacaalayo.
"Tirada ugu badan ee cudurka uu haleelay waxaa laga kala keenay deegaano iyo tuulooyin hoostaga gobolka Nugaal,waxaana uu ka dhashay roobabkii gobolka ka da'ay"ayuu yiri agaasimaha guud ee cisbtalka Garowe oo warbaahinta la hadlay ,isagoo sheegay in khatarta cudurka ay sii faafi karto.
Qaar kamid ah dadka uu soo ritay cudurka ayaa la sheegay in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato ,isla markaana waxaa laga cabsi qabaa in qaarkood ay u geeriyoodaan cudurkan haleelay oo ah mid aad u halis badan sida ay sheegeen dhakhaatiirta qaarkood ee ka howlgalla cisbitaalada gobollada Nugaal iyo Mudug.
"Waxaan maalmo ka hor la xiriirnay hay'adaha qaarkood ee dhinaca caafimaadka qaabilsan si ay u kormeeraan goobaha kiisaska cudurkan laga helay ,balse jawaab nama aysan soo siin "ayuu yiri mar kale Maxamed jaamac oo dhaliilay waxqabadka hay'adaha qaar ee gobolka ka howlgalla.
Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in tirada hadda cisbitalka la soo gaarsiiyay ay sii kordhi karto,loona baahanyahay waxqabad deg-deg ah si loo yareeyo dhibaatada cudurka shuban-biyoodka ,isagoo xusay in daawada la hayo ay hoos uga yartahay inti loo baahnaa.
Dhinaca kale labo caruur ah ayaa la sheegay in cudurkan ay ugu geeriyoodeen degmada Gal-dogob ee gobolka Mudug,waxaana la sheegay in halkaasi ay gaaareen saraakiil ka socota hay'adaha WHO iyo UNICEF,kuwaasi oo soo indha indhayn doona tirada sida rasmiga ah uu u soo ritay cudurka shuban biyoodka ee degmadasi ku dhaqan.
Ugu danbayntii wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa loo jeediyay baaqyo kala duwan oo la xiriira dhibaatada cudurkan,waxaana degmooyinka Gaalkacyo ,Garowe iyo Gal-dogob ka bilwoday dadaallo ku aadan in la yareeyo khatarta cudurka oo inta badan ka dilaaca meelo kamid ah qaaradda Afrika.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya