Arbaco, June 15, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa Muqdisho in ka badan 100 xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan ayaa ka dalbaday inay ka cafiyaan haddii ay jiraan khaladaad ay xukuumaddiisa ka tirsanayaan.
Mudane Farmaajo ayaa sheegay in qof aan wax qaldin uusan waxba sixin, sidaa daraadeedna uu ka codsanayo inay ka cafiyaan wixii khalad ah ee uu ka galay, isagoo xusay inay ka go'an tahay inuu la shaqeeya xukuumadda.
"Haddaan Soomaali nahay waxaan dhaqamadeenna kuwa ugu wanaagsan ka mid ah inaan iscafinno, qofka aan wax sixinna waxba ma qaldo oo qofka inta uu qabto ayuu khaladkiisu le'eg yahay, sidaa daraadeed wixii dhibaato ah ee aan geystay raalli halaga ahaado," ayuu Farmaajo ku yiri hadal uu u jeediyay xildhibaannada.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumadda KMG ah ay tahay koox isku xiran oo si wanaagsan iskula shaqeeya, isagoo sheegay in la heli karo dad ka aqoon badan, balse aan la heli karin cid isugu xiran sida ay isugu xiran yihiin. Isagoo xusay inay taasi ka dhalatay iyagoo ku ballamay inay ka shaqeeyaan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
"Waxaan ku kalsoonahay go'aanka ugu dambeeya ee kasoo baxa baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana xildhibaannada waxaa mas'uuliyadi ka saaran tahay sidii ay uga badbaadin lahaayeen dadka Soomaaliyeed dhibaatooyinka ay ku jiraan," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Xildhibaannadii kulankaas ka qaybgalay ayaa si buuxda u taageeray waxqabadkii ay muujiyeen xukuumadda KMG ah muddadii ay jirtay. Waxayna sidoo kale u soo jeediyeen madaxda DKMG ah inay si wadajir ah ugu shaqeeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa imaanaya iyadoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi uu shalay shaaca ka qaaday inuusan iska casilayn xilka ra'iisul wasaarenimo ee dalka inta baarlamaanku uu go'aan ka gaarayo heshiiskii Kampala oo qodobbadiisa uu ka mid ahaa qodob dhigaya in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu iscasilo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya