Arbaco, June 15, 2011 (HOL) – Xiisado colaadeed oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab ayaa saakay laga dareemayaa deegaannada u dhexeeya degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo oo ay labada dhinac ku kala sugan yihiin.
Buurdhuubo iyo Garbahaarey ayaa waxaa ka kala taliya Xarrakatul Shabaab iyo ciidamada dowladda KMG ah, iyadoo dhinacyadan ay koox walba doonayso inay kooxda kale ka saarto gobolka.
Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa daba-socdaan dagaal shalay dhinacyadan ku dhexmaray degmada Garbahaarey, kaasoo ay ku dhinteen saddex ka tirsan dhinacyadii dagaalamay iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.
Inkastoo saraakiisha labada dhinac aysan ka hadlin xiisadaha u dhexeeya iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka taagan inta u dhexeysa Buurdhuubo iyo Garbahaarey ayay haddana dadka ku nool deegaannadaas waxay muujiyaan cabsi weyn.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in rasaas aan badnayn laga maqlayo inta dhexeysa labada degmo, balse aanay jirin wax dagaal ah oo dhacay, iyadoo uu kusoo beegmayo dhaqdhaqaaqan xilli ay dowladda KMG ah tababar ugu soo xirtay degmada Doolow ciidamo ka badan 1,000-Askari.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya