Arbaco, June 15, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 16-qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Koogaar oo u dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo shilkaas aanu sababin wax dhimasho ah.
Gaariga gaddoomay oo noocisu ahaa N3 ayaa ka ambabaxay Muqdisho wuxuuna ku socday degmada Cadale, isagoo si lama filaan ah ugu gaddoomay qarar ku yaalla jidka isku xira degmooyinka Cadale iyo Jowhar, sida ay dadkii ka badbaaday shilka u sheegeen warbaahinta.
"Shilku wuxuu dhacay xalay 3:00 habeenimo, waxaana ku dhaawacmay 16-qof oo isugu jira haween iyo rag, lix qof oo ka mid ahna dhaawacyadoodu waa mid daran," ayuu yiri goobjooge ku sugan Koogaar oo ah halka uu gaarigu ku rogmaday.
Dhaawacyada culus ee ka dashay shilka ayaa isla xalay loosoo qaaday Muqdisho sida uu sheegay goobjoogaha saxaafadda la hadlay, isagoo sheegay in weli gaarigu uu yaallo halkii uu ku gadoomay.
Mas'uuliyiin ka tirsan Xarrakatul Shabaab oo ka tagay degmada Jowhar iyo maamulka degmada Cadale ee isla Xarrakada ayaa goobta uu baabuurku ku gadoomay gumad ahaan u aaday si ay u caawiyaan dadka ka badbaday shilka iyo kuwii dhaawacmay.
Habeen hore ayay ahayd markii gaari TM ah oo ku rogmaday deegaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellada dhexe uu sababay dhimashada 15-qof oo ay caruuri ku jirto iyo dhaawaca in ka badan 30-qof oo qaarkood daweyn loo keentay isbitaallada Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya