
Arbaco, June 15, 2011 (HOL) – Taliye cusub ayaa loo magacaabay ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho Talaadadii shalay, kaasoo lagu magacaabo Jen. Fred Mugisha, isagoo howsha la wareegi doona bisha Sebtember ee sanadkan.
Jen. Mugisha ayaa bedeli doona Maj-Gen. Nathan Mugisha oo hadda ah taliyaha AMISOM, kaasoo loo magacaabay ku xigeenka safiirka dalka Uganda ee Soomaaliya. Madaxweyaha dalka Uganda ayaa goobjoog ka ahaa xaflada lagu magacaabay taliyaha cusub ee AMISOM iyo ergayga Uganda ee Muqdisho.
Taliyaha cusub ee AMISOM ayaa hoggaamin doona 9,000 askari oo dalalka Uganda iyo Burundi ka socda, kuwaasoo dowlada Soomaaliya gacan ka siiya dagaalka ay kula jirto Xarrakatul Shabaab.
"Jen. Mugisha waa sarkaal akhlaaq wanaagsan, waana khabiir dhinaca madaafiicda ah, taas ayaana keentay in taliye looga dhigo ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho," ayuu yiri taliyaha ciidamada Uganda Jen. Aronda Nyakairima oo xaflada magacaabidda ka hadlay.
Dalka Uganda ayaa hoggaanka u haya ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya, iyadoo taasi ay keentay in taliyeyaasha ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay ka yimaadaan dalka Uganda.
Saraakiil sare oo Uganda u dhashay ayna ka mid yihiin: Levy Karuhanga, Francis Okello iyo Nathan Mugisha ayaa iyaguna howsha la wadi doona taliyaha cusub marka uu xilka la wareego bisha Sebtember ee sannadkan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya