Ururka Midowga Yurub oo ku dhawaaqay inuu bixinayo dhaqaale lagula dagaalamo abaaraha Bariga Afrika

Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Ururk Midowga Yurub ayaa sheegay inuu bixinayo 27.8 milyan oo Yuuro (euro) oo lagula dagaalamayo abaaraha ka taagan Bariga Afrika, waxaana dhaqaalahan ku dhawaaqday madaxa gargaarka bani'aadamnimo iyo ka jawaabidda musiibooyinka ee Midowga Yurub Kristalina Georgieva.

Kristalina Georgieva EU. Sawir hore

Baaqa ayaa yimid kaddib markii Goergieva ay booqatay xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay kula kulantay qoysas kasoo cararay abaaraha Soomaaliya oo ah kuwii ugu xumaa muddo 60-sano ah.

"Tani waa musiibo deg-deg ah oo ku habsatay geeska Afrika, waxaana ku baaqayaa in looga jawaabo si deg-deg ah," ayay Georgieva ka sheegay xerada, iyadoo intaas ku dartay. "Tani waa midda keentay in Midowga Yurub uu ku dhawaaqo inuu bixiyo dhaqaale cusub oo gaaraya 27.8 milyan Yuuro (euro). Tani waa tallaabo fure u ah 60-milyan oo kale oo lagu caawinayo dad badan oo ay abaaruhu ku habsadeen. Waxaana gaarsiin doonaa dhaqaalaha aan kaga jawaabayno abaaraha iyo macluusha 158-milyan oo Yuuro (euro)."

Ururka Midowga Yurub ayaa bixiyay dhaqaale gaaraya 70-milyan oo Yuuro, ka hor inta aysan Georgieva ku dhawaaqin dhaqaalaha cusub ee ay kula dagalaamayaan abaaraha ka taagan Bariga Afrika.

Abaaraha ku dhuftay Bariga Afrika ayaa ka dhashay qiimo koror ku yimid raashinka iyo xoolihii oo ay abaaruhu la tageen, waxaana khatar ugu jira macluul 11 milyan oo qof oo ku nool gobolka, iyadoo abaaraha lagu sheegay kuwii ugu xumaa ee dunida soo mara muddo 20-sano ah.

Ugu yaraan 1.5-milyan qof oo Soomaali ah ayay abaarahani ku qasbeen inay ka barakacaan deegaannadoodii iyagoo tagay goobo kale oo dalka gudihiisa ah. Sidoo kale 800,000 qof ayaa iyaguna ka talaabay soohdimaha ay Soomaaliya la wadaagto dalalka Kenya iyo Itoobiya iyagoo raadinaya raashin ay cunaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya