
Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Wafdi ay hay'ad fadhigeedu yahay dalka Suudaan oo lagu magacaabo Mandiqatul Dawa Al-Islamiyah ayaa ayaa gargaar raashin ah gaarsiiyay dadka ku jira xeryaha barakacayaasha ee ku jira magaalada Muqdisho.
Dr. C/qaadir Muuse Yusuf (Al-Fake) oo ah wakiilka Bariga iyo geeska Afrika ee haya'dda ayaa sheegay in socdaalkooda uu yahay sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka dhibaateysan iyo sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dadka ay abaaruhu ku habsadeen.
Gargaarka raashinka ah oo ee ay hay'addu bixisay ayaa waxay ka koobnaayeen galley, bur iyo bariis, kuwaasoo ay ku deeqeen dad u dhashay dalka Qatar una soo wakiishay xafiiska Soomaaliya ee mandiqatul Al-dawa Al-Islamiyah Muqdisho.
Deeqdan ayaa la gaarsiiyay 600-qoys kuwaasoo ka mid ahaa qoysaskii abaaraha awgood uga soo barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen ee gobollada, Bay, iyo Shabeellada hoose.
Mas'uulka hay'adda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa gargaarka si wadajir ah u garsiiyay qoysaskii loogu talogalay, iyadoo qoys walba uu nasiib u helay raashin culeyskiisu yahay 30-kg oo kala ahaa 10-kg oo galley ah, 10-kg oo bariis ah iyo 10-kg oo bur ah.
Dr. C/qaadir Al-Fake oo u dhashay dalka Suudaan ayaa dhankiisa ka qaybinayay gargaarka la gaarsiinayay dadka dhibaateysan, isagoo inta badan gargaarka siiyay dadka aadka u daran ee ku jiray kaamamkii laga qaybiyay.
"Dhibaatada haysata qoysaska barakacayaasha ah ma ahan mid fudud - waana mid u baahan in si deg-deg ah loogu gurmado si loo badbaadiyo boqolaalka caruurta iyo hooyooyinka ah ee xilligaan la il-daran gaajada iyo macluusha," ayuu yiri Dr. Al-Fake.
Wakiilka hay'adda ayaa sidoo kale wuxuu baaq walaalnimo u diray muslimiinta caalamka, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyay muxsiniita dowladda Qadar oo suuro-gelisay in lacagtan sadaqada ah ee raashinka loogu iibiyay dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen, isagoo ugu baaqay walaalaha carabta inay sidaasi si la mid ah ay ugu soo gurmadaan walaalahooda dhibaateysan ee Soomaaliyeed.
ma aha markii ugu horeysay ee ay Manqdiqatul Dacwa Al-Islamiyah ay raashin sidan oo kale ah ka qaybiso kaamamka ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah ee ku yaalla Muqdisho. Waxaana sidan oo kale ay gargaar uga qaybisay gobollada dalka qaarkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya