Olole dhaqaale loogu ururinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku habsadeen oo lagu qabtay Kanada



Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Kummaan qof ayaa isugu soo ururay barxad weyn oo ku taalla bartamaha magaalada Ottawa ee dalka Kanada shalay, si loo ururiyaan dhaqaale lagu taageero dadka Soomaaliyeed ee ay macluushu ku habsatay. Iyadoo ololahan uu soo qabanqaabiyay urur lagu magacaabo Somali Relief Ottawa, dadka goobtaas isugu yimid waxaa ka mid ahaa dhallinyarada Soomaali-Kanadiyanka ah.

Dhaqaalaha ololahan lagu ururiyay ayaa gaaray 25,000 oo doolar, waxaana lagu caawin doonaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen, iyadoo lala kaashanayo ururro ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay abaaraha darani ku dhufteen.

"Shucuurta dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kanada waa mid sare u kacday, intooda badan waxay qorsheynayaan inay bixiyaan dhaqaale ay ku taageeraaan walaalahooda u baahan gargaarka," ayaa laga sheegay goobta.

Ururka Somalia Relief Ottawa ayaa todobaadkan dhammaadkiisa sameynaya olole kale oo uu dhaqaale ku ururinayo, wuxuuna qorsheynayaan in dhaqaalaha lagu saacidayo Soomaalida gudaha ku dhibaateysan la gaarsiiyo 35,000 oo dollar.









Sidoo kale, waxaa ka mid ah dadka dhaqaalaha bixinayay murashaxa xisbiga NDP ee koonfurta Ottawa Weli Faarax oo Soomaali ah.

Dhacdadan dhaqaalaha lagu ururinayay ayaa waxay soo jiidatay noocyada saxaafadda ka jirta Kanada sida: Telefishinnada CTV News, CBC TV, CBC Radio, University of Ottawa Radio iyo Ottawa Citizen.

 

Wixii faahfaahin dheeraad ah fadlan kala xiriira Somali Relief Ottawa, idinkoo kala xiriiraya E-mailka ah: [email protected].







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya