Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Howlgallo ay ciidamada booliiska DKMG ah maanta ka sameeyeen degmooyinka Waaberi, Xamar-jabab iyo Xamarweyne oo kawada tirsan degmooyinka ay dowladdu ka maamulaan Muqdisho ayaa waxay kusoo qabqabteen toddoba ruux oo isugu jira askar iyo darbi-jiifyo.
Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed G/sare C/llaahi Xasan Bariise oo uga warbixiyay saxaafadda howlgallada ka billowday Muqdisho ayuu ku sheegay inay yihiin kuwo ammaanka lagu sugayo, isagoo xusay inay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka.
"Ciidamada howlgalka sameeyay waxay illaa hadda qabteen toddoba ruux oo isugu jira askar iyo dadka si-xun-u-noolka-ah ee darbi-jiifyada," ayuu yiri G/sare Bariise oo intaas ku daray in askarta la qabtay la weydiin doono xerada ay ka tirsan yihiin.
Askarta la qabtay ayaa la sheegay in lagu qabtay hub ay magaalada dhexdeeda la marayeen iyadoo hubkiina lagala wareegay, waxaana howgalladani imaanayaan xilli uu maamulka gobolka Banaadir sheegay inuu sameynayo howgallo looga hortagayo hubka lagu dhex-sito magaalada Muqdisho.
G/sare Bariise, wuxuu sheegay in haddii askarta la qabtay ay ka tirsanaan waayaan saldhig ciidan oo la yaqaan la horgeyn doono sharciga, haddiise ay noqdaan kuwo ka tirsan saldhig la ciqaabi doono.
Ma uusan sheegin afhayeenka booliiska sida laga yeelayo dadka darbi-jiifyada ah ee ay qabteen, iyadoo la xusuusto in maxkamadda gobolka Banaadir ay dhawaan ku ridday dadka mukhaadaraadka isticmaala xukunno xabsiyo kala duwan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya