Isniin, July 25, 2011 (HOL) –Iyadoo ay maalmo qura ka harsan tahay bisha barakeeysan ee Ramadaanka ayaa waxa laga dareemayaa gudaha magaalada Kismaayo dhaqdhaqaaq xoogan oo loogu diyaargaroobayo bisha ramadaan.
Suuqyada waaweyn ee bagaashka iyo raashiinka ayaa waxa ka soconayo dhaqdhaqaaq xoogan iyadoona saaka laga dareemayo mashquul fara badan maadaama ay suuqyadaasi siweyn uga adeeganayaan qaar katirsan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Sidoo kale mashquul kaa lamid ah ayaa laga dareemayaa suuqa weyn ee loo yaqaan suuqyaraha ee lagu iibyo qudaarta noocyadeeda kala duwan, waxaana xusid mudan in aalaaba marka ay so dhawaato bisha barakeysan ee ramadaanka ay soo go’aan dalagyada kala duwan sida qudaarta iyo miraha, oo iyagu ah waxyaalaha ugu isticmaalka badan inta lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka.
Dadka ayaa laga dareemayaa in ay aad ugu faraxsanyihiin bisha barakeysan ee ramadaanka ee fooda nagu soo heysa, maadaama ay bishani tahay bil aad u barako badan oo Alle (SW) inoo sheegay in ay tahay bisha lasoo dajiyay Kitaabka Qur’aanka.
Iyadoo inta badan shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ay diyaargarow xoogan ugu jiraan bisha Ramadaan ayaa hadana waxa jiro dad tiro badan oo aan iyagu ka qeybqaadaneyn diyaargarowga bishan, kuwaas oo ku nool kaamamka dadka barakacayaasha ah ee ku yaal magaalada Kismayo.
Dadka ku dhaqan kaamamka barakacayaasha ee magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka codsanayaan cid walba oo wax u awoodo gaar ahaanna dadka Muslimiinta ah in ay usoo gargaaraan islamarkaasina ay soo gaarsiiyaan wixii ay uga bixi lahaayeen bisha barakeysan ee Ramadaanka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya