Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen rakaabkii gaariga la socday iyadoo kooxihii weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen. Iyadoo dadkii ay dhaawacyadu gaareen isla xalay la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.
"Weerarku wuxuu ka dhacay markii uu gaarigu kasii baxayay Walalweyn, waxaana ku dhintay laba qof, saddex kalena way dhaawacmeen," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Wanlaweyn oo warbaahinta la hadlay.
Goobjoogahan, wuxuu sheegay in kooxihii weerarka geystay ay baxsadeen, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmadaas ee Xarakada Al-shabaab.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli ay maamulada Bay iyo Shabeelada hoose wadeen maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ay uga hortagayaan kooxaha burcadda ah ee wadooyinka ku weerara gaadiidka xamuulka iyo kuwa kale ee rakaabka wada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya