Dad ka barakacay gobollada Bay iyo Bakool oo gaaray Kismaayo

Isniin, July 25, 2011 (HOL) – Qoysas aad u fara badan oo ka soo barakacay xaaladaha noolal xumo iyo daruufaha adag ee dhanka nolasha ah ee ka jiro gobbalada Bay iyo Bokool ayaa waxaa ay 24-kii sax ee lasoo dhaafay ay soo gaareen magaalada Kismaayo ee xarunta gobbalka jubbada hoose.

Qoysaskaan oo u badan Haween iyo Caruur ayaa markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo waxaa ay Aqalo cooshada ah ay ka samaysteen duleedka madaxtooyada magaalada Kismaayo, waxaana guud ahaanba dadkaasi ka muuqday diifta iyo dhibaatada ay soo gaartay  intii ay soo socdaalayeen..

Cabdi Aadan Dheere, oo ah gudoomiyaha xaafada buulo Abliko, ee magaalada Kismaayo oo ah xaafada ugu badan ee dadkaasi barakacayaasha ay dul dageen ayaa HOL u xaqiijiyay in lix boqol (600) oo qoys oo ka soo barakacay gobbalada Bay iyo Bakool    ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay soo gaareen gudaha magaalada Kismaayo, waxaana uu intaasi ku daray in dadkaasi oo u badan Haween iyo Caruur ay xiligaan haysato cunto la’aan iyo hoy la’aan.

Dadkaan soo galaya magaalada Kismaayo ee ka soo barakacay abaaraha iyo dhibaatooyinka nolal xumo ee ka jiro gobbalda Bay iyo Bakool ayaa waxa ay u badan yihiin kuwo xoolahoodii ay oga le’deen abaarta aadka u daran ee ka jirta geeska Africa, sidaasna” waxaa mar kale HOL u sheegay’’ Cabdi Aadan Dheere.

Majiro ilaa haataan wax gargaar ah oo dadka ku qul qulayo magaalada Kismaayo la gaarsii waxaana magalaada horay ugu yaalay 55 Kaam oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah kuwaasoo oo iyaguna ku dhibaataysan gudaha magaalada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya