Salaama Somali Bank oo xarun cusub ka furatay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose



Jimce, July 01, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Waxaa xariga laga jaray xarunta cusub ee Bankiga Salaama ,Degmada Afgooye ee gobolka
Sh/hoose, waxaana munaasabad ballaaran oo ka dhacday beerta Sheekh Zayed ee degmada Afgooye ka soo qeyb galay bulshada reer Afgooye ooisugu jira maamulka Degmada, waxgarad, aqoonyahano, culumaa'udiin, dhallinyaro iyo haween, iyadoo khudbado kala duwan oo halkaas laga jeediyay ay ku muujiyeen baahida ay u qabeen in halkaasi laga furo Banki, iyagoona soo dhoweeyay furitaanka Bankiga Salaama.

Ganacsatada, Waxgaradka degmada Afgooye oo iyagu halkaasi ka hadlay ayaa dhammaantood waxay hoosta ka xariiqeen in bulshada Degmada Afgooye degan ay la macaamili doonaan Salaam Somali Banki. Waxgaradka degmada Afgooye waxay sheegeen in dhaqaalaha degmada uu ku xiran yahay beeraha iyo xoolaha nool, sidaasi daraadeedna ay uga mahad celiyeen maamulka iyo madaxda Salaam Somali Banki sida ay isugu howleen inay degaanadooda Banki ka furaan.

Guddoomiye K/Xigeenka Salaama Banki Maxamed Cabdi Colow ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay dadkii ka soo qeyb galay munaasabadda, isagoo xarigga ka jaray xarunta degmada Afgooye ee Salaama Bank, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u shaqeynayo Bankiga, isagoo sheegay Salaama Bank inuu yahay mid Islaami ah dadkana kala qeyb qaadanaya hadba waxa ay tabayaan in Bankigu uu kala shaqeyn doono, iyadoo lagu saleynayo hab dhaqanka Islaamiga ah, waxaa kale oo Guddoomiye K/Xigeenka uu xusay in gobolada oo dhan laga furayo faracyo kale.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay madaxa Marketinka Salaama Bank C/Raxmaan Ibraahim Cilmi Ookiyaale, wuxuuna ku nuux nuuxsaday ujeedooyinka  Bankiga uu leeyahay mustaqbalka iyo waxa uu ku soo kordhiyay dalka iyo bulshada sida Bankiga uu ugu fududeeyay habkii ay dhaqaalahooda u xafidan lahaayeen xilli dalka ay ka jirto xaalad adag.

Dhinaca kale Md. Ookiyaale waxa uu sheegay in Bakiga ay ku midoobeen ganacsato Soomaaliyeed oo wax badan kala socda duruufaha jira, isla markaana dhabarka u xirtay mas'uuliyadaasi. Waxaa kale oo uu xusay in Bankiga Salaama uu dadka Soomaaliyeed ee uu bankigu u hayo maal gashi iyo maalgelin Uu dalabaadkooda ganacsi  tixgelin doono.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Branchi la furo, waxaana hore u furnaa xarumaha kala ah: Bakaaro, X/Weyne, Heliwaa, Zoope, C/Biyaha, Salaama Somali Bank ayaa sidoo kale waxa uu soo qabtay howlo maal gelin ah oo bulshada loogu adeegay oo ay ka mid yihiin: Isbitaalada Fiqi iyo Abuu Bashiir Hospital, iyadoo maamulka Salaama Bank ay rajeynayaan in howlo kale  ay dalka ka fulin doonaan muddooyinka soo socda.



Maxamed Xaaji Xussein,Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya