
Jimce, July 01, 2011 (HOL) – Isku-soo-bixii ugu weynaa ee sannadahaan ka dhaca Koonfurta Soomaaliya ayaa toddobaadkan ka dhacday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo lagu soo dhaweynayay in ka badan 70 isugu jira nabaddoonno iyo malaaqyo soo dhameystay Btababar dhinaca ciidanka ah oo ay xarrakatul Shabaab uga furtay deegaanka Daynuunaay kaasoo socday muddo bil ka badan.
Nabadoonada iyo malaaqyada oo ka kala yimid degmooyinka ay ka kooban yihiin Bay & Bakool ayaa socod kusoo maray wadooyinka waaweyn ee Baydhabo iyagoo ugu dambayntiina iskugu soo ururay faras-magaalada Baydhabo ee Afar-irdoodka halkaasoo ay kula hadleen saraakiil ka tirsan Xarrakada Al-Shabaab.

Kumanaan dadweyne ah oo ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa dhageystay hadallo ay nabaddoonnada iyo malaaqyada jeedinayeen, waxaa kale oo goob-joog ka ahaa qaybaha kala duwan ee saxaafadda.
Munaasabadda oo bilaabatay 9:00 subaxnimo ee aroortii Axadda ayaa waxaan jirin wax goob ganacsi ah ama goob waxbarasho ah oo gelinkii hore furnaa iyadoo dadkii ku noolaa Baydhabo ay isugu soo baxeen si ay u daawadaan dhoola-tuska ay kusoo bandhigeen Baydhabo nabaddoonnada iyo malaaqyada tababarka soo dhameystay, waxaana la arkayay dadweyne saaran dabaqyada dhaadheer ee magaalada kaddib markii ay ka buuxsameen fagaarayaasha.
Nabaddoonnada iyo malaaqyada Bay & Bakool oo ku qalabaysnaa hub kala duwan ayaa sheegay in muddadii ay ku sugnaayeen deegaanka Daynuunaay ay qaateen tababar ay ka faa'iideen duruus fara badan oo sare loogu qaadayay aqoonta ay u leeyihiin diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda.
Waxay odayaashan sheegeen in sidii maamulka islaamiga ah uu uga hanaqaaday gobollada Bay & Bakool muddo hadda laga joogo saddex sano ay dareemeen nabad iyo ammaan aan soo marin abid, iyadoo qabaa'illadii sida joogtada ah isugu dili jiray gobolladaas ay hadda si walaalnimo ah kuwada nool-yihiin.
Ugu dambayn, waxay ballan-qaadeen inaysan gacmaha ka laaban doonin dagaalka ka socda gobollada dalka oo dhan, iyagoo sheegay in Itoobiya iyo Kenya ay weerar kusoo qaadeen nabadda iyo maamulada ka jira Bay, Bakool iyo gobollada kale ee ku yaalla Koonfurta bartamaha Soomaaliya ee ay maamusho Xarrakatul Shabaab, iyagoo sheegay inay naf iyo maalba u hurayaan ka hortagga duulaankaas.
Dadweynihii kasoo qayb-galay isku-soo-baxa lagu soo dhaweynayay nabaddoonada iyo malaaqyada tababarka soo dhameystay ayaa si weyn ugu riyaaqay ay soo dhaweyntu u dhacday iyagoo ku dhawaaqayay takbiirta isla markaana wajiyadooda ay ka muuqato farxad iyo rayn-rayn.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya