Jimce, July 01, 2011 (HOL) – Xaflada lagu xusayay 1-da Luulyo ayaa abid markii ugu horeeysay lagu qabtay magaalda Odense ee dalka Denmark, iyadoo xuskan uu ahaa mid aan horay loo arag iyadoo halka uu xusku ka dhacayay ay isugu soo baxeen dhammaan jaaliyada Soomaaliyeed ee Odense.
Xafladan ayaa waxaa soo agaasimay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Odense iyagoo muujinaya dareen wadaniyadeed iyo xurmada ay u hayaan dalkoodii hooyo.
Furitaanka xafladda ayaa waxaa khudbad dheer oo ku saabsan dhibtaada loosoo maray xorriyadda iyo taariikhda Soomaaliyeed ka jeediyay nabaddoon Faarax Raage, nabadoon Xuseen Xasan, Dr. Maxamed Faarax Jaamac oo sadexduba ah odayaasha magaalada Odense, iyadoo dad badan ay ilmo ka daadatay markii taariikhda xorriyada si aad ah loo faahfaahiyay, waxaana la arkayay dad badan oo ilmada iska masaxaya, taasoo ay ugu wacneed dareenkooda ku aaddan dhibka loosoo maray xorriyada iyo baahida ay u qabaan in dalkeenii uu nabad helo.
Waxaa kaloo kasoo qayb-galay xaflada 1-da Luulyo guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Børgeparken iyo ku xigeenadiisa Cali Diiriye Maxamed iyo C/qaadir Ibraahim Cali Shire iyo C/risaaq Labaale, aqoonyahanno, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo hooyooyinka magaalada Odense ee dalka Denmark.
Xafladan xuska 1-da Luulyo ayaa waxaa lagu qabtay barxad weyn, halkasoo ay heeso wadani ah oo kiciyay dareenka dadka ka qaadeen fanaaniinta kala ah: Sheekh Nuur, Cali Ukun, Leeyloon,C/casiis (Jarmal), halka ay isku xirka iyo iskuduba ridka ay daadihinayeen C/llaahi Bashiir, Sade Axmed Ismaaciil, Hani Maxamed Faarax, Cawil B. Axmed iyo C/salaan Yuusuf Axmed iyo dhalliyaro kale oo fara badan oo door muhiim ah ka qaatay in la qabto xaflada Xuska 1-da Luulyo 2011.
Xuska 1-da Luulyo ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhammaan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku ciyaarayeen goobtaas caruur yar-yar iyo dhallinyaro dhamaantood kuwada xaragoonaya dhar ay ku sawiran yihiin astaamaha calanka Soomaaliyeed iyo hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Dhanka hooyoyinkana waxay soo bandhigeen buraanburo ay ku luuqeeynaysay marwo Abshiro Salaad, halka hooyoyinka kalena ay iyaguna ku muujinayeen dareenkooda Soomaalinimo diyaaro, taasoo iyana sii kiciysay dareenka dhammaan dadkii kasoo qayb-galay xuska 1-da Luulyo oo mar qura qaylo afka furtay.
Waxaa la hilmami karin oo dadka dareenkooda aad u kiciyay dhallinyaro yar-yar oo qaarkood laga yaabo weligood inaysan arag Soomaaliya, balse ay ka muuqatay wadaninimo aysan ku jirin hagrasho taasoo dadkii ku noqotay yaab iyo amakaag.
Erayadii ugu qiimaha badnaa ee ay dhalinyaradan adeegsanayeen iyagoo indhahooda ka muuqato ilmo ayaa waxaa ka mid ahaa "Soomaali waa hal dad, Soomaaliya waa hal Dal, Soomaaliya nabad Insha-Allaah".
Dhalinyarada Odense ee abaabushay xuska 1-da Luulyo ayaa diyaar u ah inay baahiyaan dareenkooda wadaninimo iyo baahida ay u qabaan in dalkoodii hooyo oo nabad iyo dowladdiba la helo.
Xaflada ayaa waxay bilaabatay 13:00 duhurnimo ee shalay waxayna dhammaatay 21:00 habeenimo ee xaalay, iyadoo xafladdu ay kusoo dhammaatay guul iyo sidii ay ugu tala-galeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee soo abaabushay.
Nuur Ugaas
[email protected]
Odense, Denmark