Jimce, July 01, 2011 (HOL) – Ugu yaraan 11-qof oo malleeshiyooyinkii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal beelo walaalo ah ku dhexmaray deegaanka Dheg-tuur ee gobolka Mudug, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay sideed qof oo ka mid ahaa dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay.
Dagaalka beelahan u dhexeeya oo salka ku haya daaqsin iyo waraab ayaa ka billowday ceel-biyood ay labadan beelood isku qabteen kaasoo ay beel walba sheeganayso inay iyadu leedahay, iyadoo aysan jirin cid dhexgashay labadii beelood oo dagaalamay.
Beelaha dagaalamay ayaa waxay kasoo kala jeedaan gobollada Galguduud iyo Mudug, waxaana horay dagaallo noocan oo kale ay ugu dhexmareen deegaanno ka tirsan labada gobol.
Madaxweynaha Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin oo xalay ka hadlayay xaflad lagu xusayay 1-da Luuliyo oo ka dhacday Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dhexgalaan beelaha dagaalamaya, isagoo sheegay in maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay beesha kale kasoo jeeddo loo baahan yahay inay iyaguna kaalin ka qaataan daminta colaadda.
Inkastoo xaaladda deegaankii lagu dagaalamay ay haatan daggan tahay haddana waxaa jira hub urursi u dhexeeya maleeshiyo beeleeddii uu dagaalku dhexmaray, waxaana laga baqdin qabaa inay dagaallo kale dhacaan.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxya maamulka Ximin iyo Xeeb oo ku saabsan dagaalka u dhexeeya beelaha walaalaha ah oo mid ka mid ah ay dagto deegaannada ay ka taliyaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya