Abaaraha ka taagan Soomaaliya oo ku qasbay kumannaan qoys inay ka barakacayaan deegaannadoodii

Jimce, July 01, 2011 (HOL) – Abaaraha ku dhuftay dalka Soomaaliya ayaa qoysas badan oo xoolaley iyo beeraley isugu jira ku qasbay inay ka barakacaan gobolladii ay ku noolaayeen, waxaana qoysaskaas oo ku noolaa Koonfurta dalka Soomaaliya ay u barakaceen dalalka Itoobiya, Kenya iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalin walba soo gaara kumanaan qof oo kasoo barakacay deegaannadoodii kaddib markii ay ka dhammaadeen xoolihii sidoo kalena ay u bixi waayeen sannadkan beerihii.

"Waxaan ka nimid gobolka Bakool, muddo dheer ayaan soo lugeynaynay waxaana halkan u nimid inaan helno wax aan ku noolaano, waayo xoolihii way naga le'deen, beerihiina way bixi waayeen," ayuu yiri Cumar Maadey oo ka mid ahaa dad kasoo barakacay gobolka Bakool oo HOL ugu warramay Muqdisho.

Cumar, wuxuu sheegay in deegaankii ay ku noolaayeen ay dadku kasoo barakaceen ayna jiraan dad badan oo gaajo awgeed u dhintay, halka kuwo kalena ay iaygoo bararay u carareen xeryaha qoxootiga dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Dadka barakacayaasha ah ayaa waxay qaarkeed ku hakadeen deegaannada Ceelsha-iyaha halka kuwo kalena ay u soo gudbeen Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay ka taliso dowladda KMG ah.

Shacabka ku nool goobaha ay dadkan gaadiidkii waday uga dageen ayaa gurmad u sameeyay, iyagoo u ururiyay dhar, alaabooyin iyo raashin ay ku noolaadaan inta ay ka daganaa, waxaana dadkan ay qaarkood bilaabeen tuugsi si ay dadka uga helaan dhaqaale ay ku noolaadaan.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya ay dad badan ku qasbeen inay ka barakacaan goobihii ay ku noolaayeen si ay u raadsadaan wax ay ku nooladaan. Isagoo intaas ku daray in gargaar ay dowladdu ka heshay dalka Imaaraadka Carabta ay gaarsiin doonaan dadkaas iyo kuwa kale ee Muqdisho horay ugu dhibaateysnaa.

Hay'adaha OCHA oo Qarammada Midoobay u qaabilsan isku duba-ridka gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in tirada dadka Soomaaliya uga barakacaya abaaraha ay aad u kordheen, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in gargaar deg-deg ah lala gaaro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya