Diyaarado joog hoose ku duulayo oo saaka dul heehaabaya hawada magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose

Jimce, July 01, 2011 (HOL) – Diyaarado jog hoose ku duulayo oo la xaqiijiyay inay yihiin kuwa aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa ay saaka dul heehaabayaan hawada sare ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobbalka jubbada hoose, ayadoona arrintaasi ay khal khal iyo cabsi xoogan ku abuurtay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalada Kismaayo.

Diyaaradahaani oo dhowr xabo ahaa ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo dul kaceen maraakiib kuwa dagaalka ah oo la sheegay inay taaganyihiin meel aan sidaasi oga fogayn dekadda weyn ee magaaladaa Kismaayo, waxaana iyagoo joog hoose ku duulaya saaka lagu arkayay hawada sare ee magaalada Kismaayo, sidaasna waxaa HOL u xaqiijiyay "Maxamed Jaamac Ciro’’ oo kamid ah dadka ku nool xaafada callaleey ee magaalada Kismaayo.

Ma jirto waxyeelo ay gaysteen diyaaradaha saaka gaaf wareegaya hawada magaalada Kismaayo marka laga reebo hadal hayn badan oo dadka dhexdooda ah taasoo ku aadan in dayuuradahani ay yihiin kuwii todobaadkii tagay weerarka ku qaaday xarun tababar oo ay Al shabbab ku lahaayeen deegaanka Qandal oo qiyaastii 20KM u jira magaalada Kismaayo.

Maamulka Xarakada mujaahidiinta Al shabbab ee Kismaayo wali wax faah faahin ah kama uusan bixinin diyaaradaha saaka gaaf wareegaya hawada sare ee magaalada Kismaayo,marka laga reebo heegan buuxo oo saaka laga galiyay dagaalyahada maamulka Kismaayo kuwaasoo la isugu geeyay Warshadii hore ee hilibka.

Diyaradaha saaka dul heehaabaya hawada magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay cabsi xooggan ku abuurtay dadka ku nool magaaladaaasi, kuwaasoo ka cabsi qaba in diyaaradahaasi ay weeraro duqeemo ah ka gaystaan gudaha magaalada Kismaayo maadaama todobaadkii tagay ay diyaaradah aan duuliyaha lahayn ay weeraro ka gaysteen duleedka magaalada Kismaayo.

Dhawaan ayay ahayd markii dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ay weerar ku qaadeen xarun ciidan oo Al shabbab ku leeyihiin deegaanka Qandal ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana weerarkaasi la sheegay in lagu dilay saraakiil sare sare oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al shabbab ee ka dagaalanta gudaha dalka Somalia.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya