
Jimce, July 01, 2011 (HOL) – Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay 51-sano guuradii kasoo wareegatay markii gobollada koonfureed ay xorriyada ka qaateen gumeysigii Talyaaniga iyo israacii gobolada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdsiho.
Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qayb-galay ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, ra’iisul wasaaraha xukuumada KMG ah Dr. C/weli Maxamed Cali, wasiiro, xildhibaano iyo saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya.
Xafladda ayaa heeso wadani ah kusoo bandhigay hobolada waaberi iyo heegan waxaana halkaasi khudbado ka jeediyay madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyadoo markii la gaaray 12:00 habeenimo ee saqda dhexe ay calanka sureen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. 
Markii calanka la suray ayaa waxaa istaagay dadkii ku sugnaa hoolka iyagoo qayb ka qaadayay heesaha calanka, waxayna si qiiro leh u xusuusteen geesiyadii u soo halgamay xorriyadda dalka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha isqabsadaan si ay nabadda dalka u soo celiyaan, wuxuuna sheegay in 1-da Luuliyo ay tahay maalin qiimo gaar ah ugu fadhida dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli oo isaguna ka jeediyay xafladda hadal ayaa sheegay in xorriyadda ay dad badan dhiiggooda u daadiyeen, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee maanta jooga inay u istaagaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen ammaankii iyo sharaftii uu dalku lahaa.
Wuxuu sheegay in haddii aysan Somaaliya ka dhici lahayn dagaallada sokeeye ee socda 20-ka sano ay maanta la tartami lahayd dalalka kale ee caalamka, oo aanu gaari lahayn horumar.
Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaruhu wuxuu khudbaddiisa kusoo hadal-qaaday abaaraha dalka ka jira, isagoo sheegay in bil walba ay 10,000 qof oo Soomaali ah ay gaaraan xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya, halka 60,000 qof oo kalena ay iska diiwaan-geliyaan xeryaha dalka Itoobiya ku yaalla.
Ganacsatada iyo cid walba oo wax haysata ayuu ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysanm sidoo kalena wuxuu beesha calaamka ugu baaqay inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan shacabka Soomaaliyeed.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya