Horyaalka K/cagta Soomaaliya oo billowday

Jimco, January 21, 2011 (HOL) - Horyaalka K/cagta Soomaaliya oo billowday Horyaalka K/cagta Soomaaliya ee xilli ciyaareedka 2010-2011 ayaa galabta si rasmi uga furmay garoonka K/cagta ee Jaamacadda Umadda ee magaaladda Muqdisho, waxaana ciyaartii ugu horeysay galabta ay dhex  martay kooxda horyaalka heysata ee Banaadir Telecom iyo kooxda dhawaan ka soo baxday kooxaha heerka 2-aad ee Heegan ee ku ciyaareysa magaca ciidanka Booliska Soomaaliyeed.



Ciyaartan oo ku soo idlaatay 1-0 waqtigii loogu talo galay ee 90-ka daqiiqo ayaa waxaa guushu raacday kooxda Heegan, waxaana goolka qura  u saxiixay weeraryahanka da’da yare ee xulka qaranka K/cagta Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 20-jirada Jabriil Xasan daqii 88-aad ee ciyaarta.

“Waxay aheyd fursad aan helay, anna waan faa’iideystay, waana ku faraxsanahay goolkaas oo ahaa mid wanaagsan, waxaana rabaa inaan dhaliyo goolal badan oo muhiim u ah kooxdeyda” ayuu yiri Jabriil.
Inkastaoo kooxda Banadir Telecom ay u muuqatay koox ka awoow badan Heegan, hadana goolna waa ku sariweysa.

Tababaraha kooxa Heegan Caabdi Kuus ayaa yiri “Waxaan ku qancay qaab ciyaareedka wiilasheyda, runtii qaladaad yar yar oo ay galeen qeybtii hore ee ciyaarta waa jiray, hase ahaatee waxay xalliyeen qaladkii hore qeybtii dambe ee ciyaarta”

“Guusha kulanka ugu horeeya ee horyaalka, waa mid muhiim ah, waxayna niyad wanaag siineysaa ciyaartooyda kooxda” ayu sii daba dhigay Cabdi Kuus.

Tababaraha kooxda laga adkaaday ee Banaadir Cali Maxamed Absuge (Cali Buu) ayaa sheegay inuu xoogaa niyad jab ah uu ciyaarta kala kulmay.



“Aniga iyo ciyaaryahanada kooxda waan ka xunahay guuldarradii galabta, in badan ayaan kubada maamulkeeda heynay, hase ahaatee waan ka faa’iideysan weynay, dhinaca kale ayna natiijadu martay galabta, waayo xoogaa waxaan u muuqanay in difaaceena uu jilicsanaa qeybtii dambe ee ciyaarta, sidaa aawadeed waxaan dhihi karaa kooxdii guusha heshay ayaa ciyaar wanaagsaneyd, dabcan waana u hambalyeyneynaaa” ayuu yiri Cali Buu.

Ciyaartu inta aysan billaaban waxaa garoonka lagu qabtay xaflada soo dhaweyn iyo dhiirogalin ciyaartooyda ah, waxaana ka hadlay marti sharaf uu ay ka mid ahaayeen agaasimaha wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Isaaq  Xaashi, guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aada Xaaji Yabaroow Wiish iyo madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo uu ka mid yahay guddoomiye xigeenka 1-aad ee xiriirka Cali Siciid iyo xoghayaha xiriirka C/qani Siciid Carab.


Maalinta Isniinta kooxda adag ee Elmay waxay ka hortagi doontaa dhiggeeda Savana FC, halka maalinta ku xigta ee Talaadada ah kooxda SITT Dallo ciyaar adag la yeelan doonto Horseed FC
Horyaalka K/cagta Soomaaliya waa 8 kooxood oo qura, waxaana la aas-aasay, lana billaabay sanadkii 1951.
 
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue
[email protected]