Jimco, 21 Janaayo, 2011 (HOL) -Labo ruux ayaa ku geeriyootay sagaal kalena waa ay ku dhaawacantay shil gaari oo xalay ka dhacay meel aan wax badan ka fogayn degmada Iskushuban ee gobolka Bari.
Gaariga rogmaday ayaa ahaa nooca xamuulka qaada,waxaana halka uu ku gudoomay lagu magacaabaa Tuulada Ciise oo 15-KM u jirta Iskushuban.
"Waxa uu gaariga ka soo anbabaxay Bosaaso,lamana garan karo sababta rasmiga ah ee ka danbaysa shilkan marka laga reebo wadada oo ah mid aan wanaagsanayn" ayuu yiri gudoomiyaha degmada Iskushuban C/risaaq oo Horseed la hadlay.
Labada ruux ee ku geeriyooday shilkaasi ayaa lagu kala magacaabaa Khaliif Muuse Bagan iyo Maxamed Cusmaan Cali oo labaduba ka soo jeeda deegaanka uu shilkani ka dhacay.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay shilkaasi gaari ayaa la keenay degmada Bosaaso si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo ,maadaama qaar ka mid ah ay aad u liitaan.
"Dowlada waxaan uga baaqaynaa in ay wax ka qabato dhibaatooyinka la xiriira wadooyinka oo khasaarooyin badan sababa" ayuu hadalkiisa C/risaaq Muuse Cartan.
Shilalka ka dhaca Puntland qaybo ka mid ah ayaa noqday billihii ugu danbeeyay kuwa si aad ah loo dareemay,waxaana hayada wadooyinka ee Nesha ay dhawaan bilowday qorshe wax looga qabanayo wadooyina gobolka.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaliya