
Jimco, 21 Janaayo, 2011 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mohamed C/llaahi Mohamed (Farmaajo), ayaa xalay kulan kula yeeshay Roma dhiggiisa dalkaas Silvio Berlusconi. Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ee Palazzo Chigi. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayuu Talyaaniga u ahaa dalkii ugu horreeyey ee Yurub ah oo uu booqasho uu ku tago, tan iyo intii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaarenimo.
Ra’iisul wasaaraha Maxamed Farmaajo, ayaa warbixin kooban ka siiyay Berlusconi xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta, gar-gaarka bani’aadanimo, horumarka ay xukuumadda cusub ku tallaabsatay iyo sida loogu baahanyahay in caalamku ay kala shaqeeyaan dowladda Soomaaliya arrimo faro badan oo ay ka mid tahay sidii muddada u hartay dowladda KMG ay u dhameystiri lahayd dhammaan howlaha horyaalla.
Silvio Berlusconi, ayaa sheegay inay aad iyo aad uga xun yihiin dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya, wuxuuna ballanqaad buuxa siiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, oo uu yiri aniga ayaa si shaqsi ah arrimaha Soomaaliya ugu soo jeesanaya, isagoo xusay inay kordhinayaan dhammaan taageeradooda dhanka siyaasadda iyo dhaqaalahaba. 
Mr. Berlusconi, waxuu intaas ku daray inay wax ka qabanayaan dhanka gargaarka bani’aadanimo iyo horumarinta dalka, sida mashaariic cusub iwm. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Taliyaaniga waxuu sheegay inuu hadda wixii ka dambeeya uu xoogeysanayo xiriirka labada dal, isla markaana uu Talyaaniga gacan weyn siin doono Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, arrimaha labada ra’iisul wasaare ay ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo soo celin lahaa xiriirkii qotada dheeraa ee taariikhiga ahaa ee labada dal ka dhaxeeyay. Arrimaha kale ee ay ka wada hadleen-na waxaa ka mid ahaa amniga, argagaxisada caalamiga ah iyo arrimaha burcad-badeedka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya