Ururka Midowga Afrika oo kordhiyay xilliga howlgalka ciidammada AMISOM eek u susgan dalka Soomaaliya

Jimco, 21 Janaayo, 2011 (HOL) – Ururka Midowga Afrika, ayaa muddo hal sano oo dheeraad ah ku daray howlagalka ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya. Iyadoo howlgalkoodu uu dabayaaqada sannadkan, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday golaha ammaanka ee ururka Midowga Afrika.

“Go’aankeennu, waa mid aan ku cusboonaysiinayno howlgalka AMISOM. Waxaana ku darnay 12-bilood oo dheeraad ah, taasoo ka bilaabanaysay 17-ka Jannaayo 2011,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay golaha ammaanka ee ururka Midowga Afrika.

Ciidammada AMISOM, oo tiradoodu tahay 8,000-askari ayaa howl-galkoodu wuxuu sannadkii 2007 ka bilowday Muqdisho, iyagoo hay’adaha dowladda Soomaaliya ka difaacaan dagaallada kaga yimaada xoogagga hubeysan ee kasoo horjeeda,.

Midowga Afrika, ayaa sheegay in ciidammada AMISOM ay dagaal kula jiraan Xarrakatul Shabaab oo kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya, taasoo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda oo ay ku dhinteen 76-qof, iyadoo sheegay inay ugu aargudayeen dadka ay ku dilayaan duqeymaha ay ka geystaan Muqdisho.

Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa iyaguna kordhiyay howlgalka ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyagoo sidoo kalena ku kordhiyay ciidammadaas 4,000-askari oo dheeraad ah, inkastoo aan weli la sheegin dalka ay ka imaanayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya