Jimco, 21 Janaayo, 2011 (HOL) – Kulan ay haween ka socday baarlamaanka iyo bulshada rayidka oo Muqdisho ku yeeheen, ayaa ka codsaday maamulka Puntland, inay ka laabtaan go’aankii ay xiriirka ugu jareen dowladda Soomaaliya.
“Madaxda Puntland, waxaan ka codsanayaa inay ka laabtaan go’aankii ay xiriirka ugu jartay dowladda Soomaaliya, iyagoo ilaalinaya midnimada Soomaaliya” ayay tiri Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ka mid ahaa haweenkii kulankaas ka qaybgalay.
Kulankan, oo shalay Muqdisho ka dhacay, ayaa xildhibaanad Qayaad, waxay ku sheegtay in laga shaqeynayo sidii lagu soo celin lahaa gobollada Soomaalida ee maqan, balse aan loo baahnayn in xilligaan la kala jaro gobollda Soomaaliya.
Shirkan, ayaa sidoo kale, looga hadlay abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya, waxaana xubno ka socda bushada rayidka ay ugu baaqeen hay’adaha gargaarka inay dadkaas lasoo gaaraan deeqo kala duwan, maadaama ay xoolihii ka dhammaadeen iyaguna ay qarka u saaran yihiin geeri.
“Qoysas badan, ayaa kasoo barakacay gobollada ay dagaalladu ka socdaan, kuwaasoo soo gaaray Muqdisho, waxayna u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, shacabka iyo dowladdana waxaan ugu baaqaynaa inay dadkaas caawiyaan,” ayay tiri Faadumo Xasan oo ka socotay bulshada rayidka ah.
Saynab Maxamed Xasan, oo ka mid ahayd xubnihii shirka ka qaybgalay ee qurbaha ka yimid, ayaa sheegtay inay ka xun yihiin dadka dhibaatooyinka kala duwan ay ku hayaan Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay gar-gaaraan.
“Haweenka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha, waa inay caawiyaan dadka ay dhibaatooyinka kala duwan ku hayaan guud ahaan Soomaaliya,” ayay tiri Saynab, oo sheegtay in Soomaalida ku nool dalka Mareykanka oo ay ka timid ay ku boorrinayso inay caawiyaan dadka abaaruhu ay u geysteen waxyeellada.
Kulankan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo haweenka Soomaaliyeed ay ka yeeshaan, abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya iyo go’aankii maamul goboleedka Puntland, kaasoo ay toddobaadkan xiriirka ugu jareen dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya