
Jimco, 21 Janaayo, 2011 (HOL) - Ciidammo la socday markab dagaal oo Koonfurta Kuuriya laga leeyahay, ayaa saakay aroortii xoog ku furtay markab laga leeyahay dalka Kuuriya oo koox burcadbadeed Soomaaliyeed ah, afduubeen bartamihii bishan, iyagoo sideed ka mid ah burcadbadeeddii dilay.
"Ciidammadeenna gaarka ah, waxay u dhaceen saakay aroortii markabka MV Samho Jewelry, oo ay burcabadeed Soomaaliyeed afduub ku haysteen, iyagoo badbaadiyay dhammaan shaqaalihii la socday," ayuu yiri col. Lee Bung-Woo, oo ah afhayeenka u hadlay Kuuriyada Koonfureed.
"Intii howlgalku socday, ciidankeennu waxay dileen qaar ka mid ah kooxihii haystay markabka, dhammaan shaqaalihiina, waa la badbaadiyay, waana nool yihiin," ayuu yiri Lee, iyadoo warar kale oo ciidan ay sheegayaan in burcabadeedda la dilay ay tiradoodu tahay sideed qof.
Weerarku, wuxuu ka dhacay meel 1,300-km waqooyi kaga beegan Soomaaliya, sidaas waxaa saxaafadda u sheegay col. Lee. Iyadoo markabka xoogga lagu furtay uu ahaa nooca kiimikada qaada, waxaana la xaqiijiyay in kabtankiisii uu caloosha ka dhaawamay, iyadoo sarkaalka u hadlay ciidammada Koonfurta Kuuriya uu sheegay in dhaawiciisu uusan ahayn mid halis ah.
Shaqaalaha la socday markabka, oo tiradoodu ahayd 21-qof, ayaa sideed ka mid ah waxay u dhasheen dalka Koonfurta Kuuriya, labana dalka Indooniisiya, 11- kalena waxay u dhasheen Myanmar, iyadoo markabkan la afduubay 15-kii bishan, isagoo ka yimid dalka Imaaraadka Carabta, kuna socday dalka Sirilaanka.
Markabka dagaalka ee weerarkan fuliyay, ayaa soo gaaray xeebaha Soomaaliya, markii la afduubay markabka, waxaana dagaal kooban ay shalay gallinkii dambe la galeen ciidammada Talaadadii lasoo dhaafay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya