Dagaal xalay Muqdisho ku dhexmaray ciidammada DKMG ah, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin

Jimco, 21 Janaayo, 2011 (HOL) - Ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen, dagaal culus oo xalay degmada Boondheere ee waqooyiga Muqdisho ku dhexmaray ciidammada dowladda Soomaaliya, oo gacan ka helaya AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa ahaa shacab, ku waxyeeloobay madafiic iyo rasaasta la isdhaafsanayay oo kula dhacday degmada Boondheere iyo kuwa dariska la ah.

"Xalay, waxaa degmada Boondheer ka dhacay dagaal ka mid ahaa kuwii ugu cuslaa ee ka dhaca degmada, waxaana ku dhintay saddex qof oo deegaanka ka tirsan," ayuu yiri Nuur Cilmi oo ka mid ah dadka weli ku nool degmada Boondheere.

Sidoo kale, goobjoogahan wuxuu sheegay inay jiraan khasaarooyin kala duwan oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse aysan iyagu sheegin karin cadadkiisa, isagoo sheegay shacabkii dagaalkii xalay ku dhaawacmay saakay loo qaaday goobaha caafmaadka.

Lama oga, khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kasoo gaaray dagaallada, mana jiraan wax hadal oo kasoo baxay dhinacyada dagaalamay, iyadoo dagaalkii xalay uu ka mid ahaa dagaalladii ugu cuslaa ee ka dhaca degmada Boondheere.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya