Maamulka Xarrakada Al-Shabaab ee Degmada Ceel-buur oo xukun gacan-goyn ah fuliyay

Isniin, 7, Feb, 2011 (HOL) Wararka laga hellayo degmada Ceel-buur ee goballka Galgaduud ayaa sheegaya in maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay xukun gacan go'ay ah ku fuliyeen wiil dhalinayarro ah oo lagu soo eedeeyay in uu ku dhacay fal xatooyo ah, sida ay meel fagaaro ah ka sheegen mas'uuliyiinta maamulka.

Wiilka dhalinyarrada ah ee gacanta laga gooyay ayaa lagu eedeeyay in uu qaatay ama xaday lacag dhan 100 doolar iyo waliba dhar ah kuwa ay haweenku xirtaan, waxaana uu maamulku sheegay in wiilku qirtay in uu danbigaasu ku dhacay, taasoo keentay in maxkamadu ku xukunto gacan goysmada.

Guudoomiyaha degmada Ceel-buur ee goballka Galgaduud oo la hadllayay dadkii isugu soo baxay daawashada xukunka lagu fuliyay wiilka dhalinyarrada ah ayaa sheegay in looga baahan yahay dadku in ay isaga fogaadaan falalka noocan oo kale ah, haddii kale ay mudan doonaan ciqaab la mid ah tan uu mutay wiilka dhalinyarrada ah ee gacanta laga gooyay.

Wiilkan dhalinyarrada ah ee xukunka lagu fuliyay oo da'diisa lagu sheegay 25-sano jir ayaa noqonaya kii labaad oo ay maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee Ceel-buur ku fuliyaa xukun gacan goysmo ah, waxaana xusid mudan in maalmihii ugu danbeeyay ciidamada lagu magacaabo Xisbada ay ka wadeen gudaha degmada howl-galo lagu sugayo amaanka degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya