Isniin, 07 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay xilli kororsiga ay xildhibaannada baarlamaanku sameysteen toddobadkii hore, waxaana mas’uul u hadlay xukuumadda uu sheegay in go’aankaas uu yahay mid lagu fududaaday oo aan laga fiirsan.
“Anigu go’aanka baarlamaanka kama hadli karo, waayo waxaan ahayn xildhibaan, balse jidka loo maray xilli kororsiga ayaa ahaa mid laga qurux badan yahay, waxayna ahayd in arrintaas wadatashi lagala sameeyo hay’adaha kale ee xukuumadda,” ayuu yiri C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda.
Xiddig wuxuu sheegay inay ahayd in xubnaha baarlamaanku ay muddo kordhinta kala hadlaan xukuumadda maadaama ay iyadu tahay hay’adda fulinta, isagoo intaas ku daray in xilli krodhintu ay ahaan lahayd mid la isla wada ogyahay.
Qarammada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dalala y ka mid yihiin Mareykanka, Taliyaaniga iyo Ingiriiska ayaa toddobaadkan cambaareeyay go’aankii ay xildhibaannada baarlamaanka xilligooda shaqo ku kororsadeen.
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay muddo saddex sano ah ku kororsadeen xilliga ay shaqeynayaan, iyadoo mudanayaashu ay ku adkeysanayaan in go’aankoodaas uu sharciga waafaqsan yahay.
Hadalka kasoo baxay wasiirka ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo xukuumaddu ay kaga hadasho xilli kororsiga ay sameysteen xubnaha barlamaanka Soomaaliya marka bisha Ogotoosto ee sannadkan uu dhammaado xilliga dowladda KMG ah.
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya